DAAWO: Bannaanbaxa Jaalliyadda Somaliland ee Sweden 18 May 2016

0
373

DAAWO: Bannaanbaxa Jaalliyadda Somaliland ee Sweden 18 May 2016

Jaalliyadda Somaliland ee dalka Sweden ayaa ku qabtay bannaanbax aad u
ballaadhan magaalada caasimadda Sweden ee Stockholm 18 May 2016.
Waxa ka soo qaybgalay bannaanbaxan lagu taageerayay qadiyadda
madaxbanaanida JSL ayaa lagu qabtay xarunta baarlamaanka Sweden
horteeda, waxana ka sooq aybgalay dhammaan jaalliyadaha kala duwan ee
Somaliland ee ku dhaqan gobollada iyo magaalooyinka dalka Sweden,
gudida jaalliyadda iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Sweden
Dhinaca kale, Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Sweden ayaa
qoraal rasmi ah oo lagaga codsanayo dawladda Sweden aqoonsiga
Somaliland u gudbisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Margot
walström iyo Gudoomiyaha Arrimaha Dibadda ee Baarlaamnka Sweden Kennet
Forslund. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegtayt inay dalabka
jaalliyadda Somaliland Sweden horgayn doonto baarlamaanka dalka
Sweden.
Waxa ka hadlay munaasibadda bannaanbaxaas ee Stockholm Danjiraha
Somaliland u fadhiya dalka Sweden Marwo Rooda Jaamac Cilmi, Gudida
Jaalliyadda Somaliland ee Sweden, Gudida Isku Xidhka Jaalliyadaha
Somaliland ee Europe (SSE) iyo xubno ka mid ah Gudida Ictiraaf
Raadinta JSL ee Qurbajoogga Somaliland ee Sweden