Daawo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Sodon Milyan Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran +Sawiro

0
891

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Sodon Milyan Ku Wareejiyey Guddida Abaaraha Ee Heer Qaran
Hargeysa(WSN)Ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland ayaa deeq lacageed ku wareejiyey guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran. Ciidanka ayaa lacagta ay iska uruuriyeen ka jaray mushaharkooda, waxaanay lacagtaas lagu wareejiyey guddida ay dhamayd sodon milyan oo lacagta Somaliland ah (30,000,000 SL Shilling)

Taliyaha ilaalada madaxtooyada gaashaanle sare Cabdirisaaq Siciid Bulaale oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa yidhi “Xafladani waxay ku saabsan tahay inaanu wareejinayno lacag abaaraha ah, maadama oo umadda reer Somaliland bari iyo galbeedba abaar aad u saamaysay ay jirto; waxa aanu ku tashanay ciidankayga ilaalada madaxtooyada si aanu uga goyno mushaharkooda qadar lacageed oo dhan sodon milyan (30,000,000) waxa aanu ka goynay shaqsi kasta oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada waxa aanu ku wareejinaynaa guddida abaaraha si ay u gaadhsiiyaan dadkeena ay abaaruhu samaayeen”

Wasiiru dawlaha madaxtooyada mudane, Maxamed Muuse Abees oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahad naqay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxaanu yidhi “Mushaharkoodii yara ayey iska soo jareen, waxa aanu leenahay guddida abaaraha ciidanka intaas ayaanu ka soo uruurinay intiina inaad nagala wareega ayaanu leenahay”

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo lacagtaasi u gudoomay guddida abaaraha ayaa isna aad ugu mahad naqay ciidanka madaxtooyada, gaar ahaana saraakiisha sare ee ciidanka, waxaanu yidhi “Waxa aan dhamaan ciidanka madaxtooyada ugu hambalyeynaynaa oo aanu uga mahad naqaynaa qadarka lacagta ah ee qiimaha leh ee sodonka malyuun ah ee ay runtii ka soo gooyeen musharkoodii iyaga oo runtii ay taabatay baahida ka jirta dalkeena dareenka wanaagsan ee ay ka qaateen. Waad ka war haysaan oo ciidanku waa laf dhabarta qaranak Somaliland, haday tahay nabad galyo, haday tahay colaadba dadka u heeganka ah weeyi, hawlaha ay qabteen aad ayey u fara badnaayeen ciidan weynaha qaranka Somaliland nooc kasta oo uu yahayba horena waxay noo soo gaadhsiiyeen lacag fara badan walina qaar noo dambeeya way jiraan oo aanu rajaynayno ilaa bari inaanu kala wareegno haddii Alle yidhaahdo.

Wasiir Khaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxa aan leeyahay ciidanka ilaalada madaxooyada iyo madaxdooda oo uu ugu horeeyo gaashanle sare Cabdirisaaq Siciid oo runtii ilaahay dambigiisa ha dhaafee ku dadaalay isaga iyo taliye xigeenkiisa, hawl galinta iyo dhamaan ciidanka waxa aan uga mahad naqayaa, ilaahay meesha aad ka soo saarteen wax ka khayr badan ha idiinku badalo, waxa aanu leenahay waanu idinka gudoonay waxaanu insha allah gelin doonaa halkii ku haboonayd iyo meeshii loogu tala galay”