Daawo: Cuqaal Iyo Waxgarad Ka Mid Ah Beelaha Habar Cafaan Oo Kalsoonidii Kala Laabtay Xukuumada Kulmiye Eedayn Iyo Fadeexad Qaawana Dusha Uga Tuuray Siilaanyo.‏

0
424

Daawo: Cuqaal Iyo Waxgarad Ka Mid Ah Beelaha Habar Cafaan Oo Kalsoonidii Kala Laabtay Xukuumada Kulmiye Eedayn Iyo Fadeexad Qaawana Dusha Uga Tuuray Siilaanyo.

Boorama (Warsugannews) ‏Waxaa maanta Hotel Mana-Guest ee magaalada Boorama Shir jaraa’id ku qabtay Cuqaal iyo waxgarad ka mid ah Beelaha Habar-Cafaan kuwaas oo shirkoodan Jaraa’id ku sheegay inay gabi ahaan kalsoonidii kala laabteen Xukuumada waqtigeedu dhacay ee mudada xaaraanta ah ku fadhida gadhwadeenkana ka yahay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xerta tirada yar ee talada dhinacyada ka haysa ee ka mid ah Madaxtooyada looga arimiyo Somaliland.

Shirkoodan Jaraa’id ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen oo ay si adag uga hadleen arinta Wareejinta Keydka Haamaha shidaalka oo mudooyinkii u danbeeyay ahayd mid xiisadeedu taagnayd taas oo ay ku sheegeen inaysan raali ka ahayn in la wareejiyo Haamaha Shidaalka Baashana dusha uga tuuray wixii maalintii dhawayd ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Somaliland.

Shirkan Jaraa’id ayaa ku soo beegmaya Xili uu maalmihii u danbeeyay uu Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mujaahid Axmed Mu’min Seed Ka Waday Gobolka Awdal xaruntiisa Boorama kuwaas oo uu kullamo joogto ah oo hadh iyo habeenba uu la yeelanayay qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Boorama taas oo aysan Xukuumada Kulmiye iyo xisbigoodu aysan Si Dadban iyo si toos ah aysan ula socono Arrimahan Xasaasiga ah ee Uu gudoomiye Seed Guud ahaan Gobolka Awdal kaga dhigayo kuwo Taageersan xisbiga uu Hogaanka u hayo Ee WADDANI , Shirkanina waxa uu hordhac u yahay isbadalkaas Siyaasadeed ee uu laqimayo Gudoomiye Seedk.

Dhanka kale Beeshan Habar-Cafaan oo ka mid ah Beelaha Waaweyn Ee Gobolka Awdal horey Taageero u siisay Xukuumada Kulmiye ayaa si toos ugu hungowday quusna ka qaaday Siyaasiyiinta kala duwan ee beesha u matasha Xisbigan ee mansabyada ka haysa xukuumada kuwaas oo ah Siyaasiyiin bulshada ay matalaan ka irdhoobay oo ku kooban oo qudha danahooda gaarka mudadaas ay Kulmiye Gacanta Ku Hayso Dalka kuwaas oo Saamayn weyn oo siyaasadeed ku dhex lahayd Bulshadaas ay horjoogaha u yihiin waxaana ka maqnaanshaha Siyaasiyiintaas ka faa’iideeyay Siyaasiga ruug cadaaga ah ee Xisbiga WADDANI Gudoomiye ku xigeenka u Ah Mujaahid Axmed Mu’min Seed oo ay Bulshada Reer Awdal aad u jecelyihiin Siyaasadiisa Diir-diiran ee u badan waxtoosinta iyo waxsheega qalooca ku jira Xukuumada haatan gacanta talada dalka Ku haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here