Daawo Daahfurka Degamada Cusub ee Gumburaha Banka ee Gobolka Hawd

0
420

Bali-gubadle(wsn)Munaasibad Balaadhan Oo loogu Wanqalayey Degmada Cusub ee Gumburaha Banka ee Gobolka Hawd ayaa maanta lagu Qabtey isla Degmadaasi Xafladan Oo ahayd mid Si Balaadhan oo loo soo agaasimay isla markaasina lagu Qabtey Madal aad u Qurux badan oo loo Asteeyey Xaflada fURITAANKA Wanqasha Degmadaasi Ayaa waxaa ka soo qaybgaley Wasiirada Ugu Miisaanka Cusulus Xukuumada Somailand Badhsaabada Gobolada Hawd iyo Togdheer Maayarada Hargeysa iyo Baligubadle Xoghaya Dowlada Hoose ee Hargeysa Masuuliyiin ka kala socotay Sadexda Xisbi Qaran,Xildhibaano Salaadiin Cuqaal Madaxdhaqmeed Culima udiin Qurbajoog Ganacsato Aqoonyahano dhalinyaro iyo Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan