Daawo: Ethiopia Oo Dhisatay Xarun Dayax Gacmeedyada Iyo Sahaminta Hawada Sare Qaabilsan

0
494

Daawo: Ethiopia Oo Dhisatay Xarun Dayax Gacmeedyada Iyo Sahaminta Hawada Sare Qaabilsan

Addis Ababa, (Warsugannews):- Dawlada Ethiopia ayaa samaysatay xarun sahaminta hawada sare, xidigka iyo dirista dayax gacmeedyada qaabilsanaan doonta, waxaana xaruntan oo noqonaysa tii ugu horaysay nooceeda ee laga sameeyo bariga afrika ay muujinaysaa dedaalka ay dawlada Ethiopia ku horumarinayso tignoolajiga dalkeeda.

Sida warbixin wakaalada wararka Faransiiska (AFP), laanteeda carabigu ka diyaarisay ku warantay, waxa mashruucan maalgelintii ugu horaysay dhawr sanadood ka hor ugu deeqay ganacsadaha Al Amoudi, hasa yeeshee dadka badankooda riyo aan suuro gal noqon Karin ayay la ahayd, in Ethiopia gaadhi karto heer ay sahamin hawada sare ah ku samayn karto, laakiin dedaal dheer ka dib waxa imika soo muuqanaya guusha ay gaadheen, aqoon yahanada cilmiga hawada sare ee dalka Ethiopia, oo rejaynaya in shanta sanadood ee soo socda ay dayax gacmeed diraan.

Warsugannews
Warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here