Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo la kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Belgium‏

0
367

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo la kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Belgium
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo safar ku maraya jaalliyadaha Somaliland ee wadamada Europe ayaa maanta kulq kulmay Jaalliyadda Somaliland ee Dalka Belgium magaalada Brussels. Kulankaas oo ay isugu yimaadeen aqoonyahan tiro badan iyo qaybaha bulshada jaalliyadaas ayaa waxa ugu horayn ka hadlay oo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Safiirka Somaliland u fadhiya Beldium, Danjire Maxamuud Cabdi Dacar, waxanu tilmaamay Safiirku midnimada iyo isku duubnida jaalliyadda Belgium iyo doorka ay ka qaadan karaan siyaasadda arrimaha dibadda iyo dadaalka ictiraaf raadinta JSL.

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi cabdi cabdilaahi xirsi oo ugu horayn uga mahadceliyay jaalliyadda sida ay ugu soo dhaweeyeen Belgium ayaa ugu horayn ka hadlay ujeedooyinka hawlqabad ee Wakaaladda Qurbajoogga iyo sidii loo xoojin lahaa isku xidhka bulshada qurbajoogga ah iyo dalkooda Somaliland. Sidoo kale, wuxu guddoomiyuhu aad ugu dheeraaday saamaynta taban iyo waxyeellada baaraha ka taagan dalka, waxanu ugu baaqay jaalliyadda Belgium iyo guud ahaan qurbajoogga inay ka soo qaybalaan gurmadka abaaraha iyo caawinta dadka ku waxyeelloobay abaaraha ka jira dalka “Waxan idinku dardaarayaa in dadkeennii innoo baahanyahay oo maanta ay ka jiraan abaaro ka dhacay dhammaan gobollada Somalialnd ee bari, galbeed iyo badhtamahaba, sidaa darteedna loo baahanyahay inaad caawisaan dadkiinnaa dhibaataysan,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajooggu wuxu ku wargeliyay dadka qurbajoogga ah inay la soo xidhiidhaan Xafiiska Wakaaladda Qurbajoogga xarunteeda Hargeysa oo qaabilsan arrimo badan oo ay ka midtahay inuu la shaqeeyo qurbajoogga jecel inay dalka maalgashadaan taasoo muhiim u ah koboca dhaqaale iyo shaqo u abuurka dhalinyarada ayuu yidhi guddoomiyuhu, waxa kale oo uu dhiirigeliyay dhalinyarada aqoonyahanka qurbajoogga inay ku tabarucaan xirfadooda shaqo xilliga ay dalka yimaadaan oo Wakaaladduna la shaqaynayso.

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu ugu dambayntii u mahadceliyay dadweynaha reer Somaliland ee Belgium ee soo dhaweeyay iyo gaar ahaan Safiirka Somaliland u qaabilsan Belgium Mudane Maxamuud Cabdi Dacar oo uu ku tilmaamay aqoonyahan waaya aragnimo badan leh.

Guddoomiye Cabdi Cabdillaahi Xirsi wuxu ku dardaaray qurbajoogga Somaliland inay midoobaan oo gacmaha is wada qabsadaan, iska ilaaliyaan waxkasta oo dhaawacaya wadajirkooda, kana wada shaqeeyaan horumarinta danta guud mucaarad iyo muxaafidba
image

image_1

image_2

image_3

image_4

image_5
Source: Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland
Hargeisa, Somaliland
Email: sldiasporaagency@gmail.com