DAAWO Guddoomiye Muuse Biixi oo Meesha ka Saaray Macnaha loo Sameeyey Hadal uu Yidhi oo loo Jarjaray si Munaafaqad ah

0
421

Guddoomiye Muuse Biixi oo Meesha ka Saaray Macnaha loo Sameeyey Hadal uu Yidhi oo loo Jarjaray si Munaafaqad ah

“Qolaa waxay is yidhaahdeen waxyeela oo madaxa ka jara hadalkiisa oo waxa ay yidhaahdeen Guddoomiyihii KULMIYE wuxuu yidhi madaxweynaha maxkamad halla saaro….”

Berbera (WSN)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa meesha ka saaray macnaha loo sameeyey hadal uu dhawaan kaga hadlay muranka ka jira abaarta ka taagan dalka iyo qabashada doorashada Madaxtooyada ee isku beegmay, kaasi oo qaab munaafaqad ah loo jarjaray la baahiyey.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in hadalkiisa macnihiisu caddaa oo uu ku qotomay sharciga dalka iyo dambiga ka dhalanaya haddii la jabiyo, isla markaana Madaxweynaha iyo xisbi ahaanba ay sharaf u tahay ilaalinta iyo ku dhaqanka sharcigu, balse cid is lahayd waxyeello gaadhsiiya ay jarjareen oo ay sameeyeen tafsiir khalad ah.

“Maalmahan waxa taagnaa muran xisbiyada ah oo dhegta loo wada taagayey, dorraad (Isniintii) baan ka hadlay oo waxaannu xisbiyadu ku kala duwan yihiin baan sheegay, qolaa waxay is yidhaahdeen waxyeela oo madaxa ka jara hadalkiisa oo waxa ay yidhaahdeen guddoomiyihii KULMIYE wuxuu yidhi madaxweynaha maxkamad halla saaro haddii uu doorashada qaban waayo 28-ka March oo doorashaduu ku degdegayaa oo hammuun badan buu qabaa. Horto madaxweynuhu dalka waxa uu ku xukumaa xeer, distoor iyo sharci, waxana madaxweynaha iyo nin kasta oo xil haya sharaf u ah inuu sharciga ixtiraamo oo uu sheego in sharcigu qorayo qofkii ku gefa inuu sharci dambi galay oo ciqaabi ka dhalanayso, maantana waxa aynu taaganahay laba arrimood oo adag, abaartii oo aad inoo saamaysay iyo doorashadii oo wahtigeedii soo gudo galay iyo doorashadii oo aan caadi ahayn ee maxkamad sare goysay oo aan cidina taaban Karin maxkamadda oo ka hadasha mooyaane,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey xaflad ay qallinjabinayeen dufcaddii 5aad ee Jaamacadda Golis faraceeda Berbera oo ka dhacday magaalada Berbera maanta.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in kulamadii xisbiyadu ka yeesheen xal u helidda abaarta iyo qabashada doorashada ay kii u dambeeyey ku heshiiyeen in laba ra’yi oo kala duwan ay u gudbiyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaannu xusay inay xisbal-xaakim ahaan ka foojigan yihiin dabin xisbiyada mucaaradku la damacsan yihiin, waxaannu yidhi, “Horta waa Ilaahay mahaddii oo waan u mahadnaqayaa mucaaridka, waa kowa taariikhda siyaasadda aduunka mucaarad yidhaahda doorashada dib halloo dhigo oo sii jooga qolada xukunka haysaw, arrintaasi waa mid aad ugu cusub caalamka oo mucaaridka waanu ugu mahadnaqaynaa, annaguna waxanu leenahay waa saxe aynu abaarta ka dabbaalanee yeynaan sharciga dalka dumine aynu sharciga uun raacno, waayo haddii maanta sharciga la dumiyo oo uu jiidho madaxweynuhu waxaan hubaa inay xisbiyada mucaaridku noqonayaan kuwa ugu horreeya ee odhanaya maxkamad halla taago sharcigii buu jabiyee, markaa si aanaan dabinkaa ugu dhicin waa in sharciga sidiisa loo fuliyaa.”

Waxa waxa kaloo uu sheegay in xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka iyo cidaha kale ee daneeya arrimaha doorashooyinku yeelan doonaan shir lagaga wadahadli doono sida xal loogu heli karo xukunka Maxkamadda Sare ee waqtiga doorashada, si la isku waafajiyo gurmadka abaarta iyo doorashada.

“Shirkaa waxa lagu gorfayn doonaa sidee go’aanka Maxkamadda Sare looga warwareegi karaa ama qiil loogu helaa in la is waafajiyo arrintii doorashada iyo abaaraha, hawshaasna maalmaha soo socda Insha Allaahu xal uun baa loo heli doonaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biix.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in xisbiga iyo xukuumaddiisaba ay ka go’antahay sidii ay wax walba uga horraysiin lahaayeen gurmadka dadka jilicsan iyo gurmadka abaarta, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Dawladda iyo xisbigu waxay u dhego-nugul yihiin oo ay u dadaalayaan oo ay wax walba ka horumarinayaan waa abaaraha, dadkeenna oo dhimanaya, dadkeenna oo dhibaataysan wax walba waanu u joojinaynaa oo iyaga ayaanu ka hormarinaynaa, odhanmayno dadkeenna oo dhimanaya shaqo kale ha la qabto.”