Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Dalka Itoobiya Kulanna La Qaatay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Iyo Arrimaha Ay Kawada Hadleen Labada Dhinac + Sawiro

0
613

Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan loogu Soo Dhaweeyey Dalka Itoobiya Kulanna La Qaatay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaasi Iyo Arrimaha Ay Kawada Hadleen Labada Dhinac

Addis ababa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Addis-ababa ee Bole International Airport, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabiley halkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.

Iyadoo weftiga madaxweynaha loo gudbiyey qolka nasashada ee madaarka Bole International airport, ka dibna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu qolka nasashada ee Madaarka kula hadlay warbaahinta, waxaanu sheegay in booqashadiisani ay qayb ka tahay sii xoojinta xidhiidhka dheer ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu ka hadlay madaxweynuhu in dalkiisa Somaliland ay ka go’antahay ilaalinta amniga iyo deganaanshaha gobolka Geeska Afrika, si ay mandaqadan aynu ku nool nahay uga hirgasho xasillooni iyo horumar baaxad lehi.

Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Somaliland waxa ka go’an sii xoojinta nabadda iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa in Geeska Afrika gaadho horumar iyo xidhiidh wanaagsan oo ay wada yeeshaan dalalka Gobolku,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey, “Itoobiya waa dal taariikh dheer oo ay ku faanto qaaradda Afrika leh, waxaannuna tixgelinaynaa doorka ay Itoobiya ku leedahay Midowga Afrika.”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu ayaa isna sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland iyo shucuubtoodaba uu ka dhexeeyo cilaaqaad qoto dheer, taasoo faa’iido u ah deganaanshaha iyo ammaanka labada dal iyo ta gobolkaba, isagoo xusay in goobta istaraajiyadeed ee ay ku taallo Somaliland ay tahay mid ahmiyad wayn ugu fadhida dalka Itoobiya.

Ka dibna waxa madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu la kulmeen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegne, kaas oo ay kaga wadahadleen arrimo doora oo ku saabsan mandaqada iyo sidii labada dal ay iskaga kaashan lahaayeen danaha ay wadaagaan iyo weliba sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Markii Kulankaasi soo dhamaadayna waxa war-baahinta si wada jir ah ula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ibtoobiya, waxaanay sheegeen inay ka wada hadleen arrimaha la xidhiidha nabadgelyada, xidhiidhka qotada dheer ee ka dheexya labada dal, isu-socodka, ganacsiga iyo doorka horumarineed ee uu labada dhinac u yeelan doono jidka isku xidhidoona Berbera ilaa wajaale ee (Berbera corridor) oo hirgelintiisu ay qayb lahaadleh ka qaadan doonto isu socodka ganacsiga balaadhan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo dhankiisa ka hadlay kulankii uu laqaatay madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland iyo waxay kawada hadleen, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaanu kawada hadalnay arimaha nabadgelyada, sababtoo ah waxaanu aaminsanahay nabadgelyada Itoobiya inay tahay nabadgelyada Somaliland, sidoo kalena nabadgelyada Somaliland waa nabadgelyada itoobiya. Waxaanu kawada hadalnay in aanu Somaliland kawada shaqayno horumarinta marshuuca Berbera corridor, in la horumariyo oo aanu annaga iyo saaxiibadayadu sii wadno horumarinta marshuuca, si ay uga wada faa’idaystaan labada wadan”.