Daawo: Muuqaal Kooban Oo Suxufiga Cabdishakuur Heersare Ka Soo Duubay Daruuraha Dushooda‏

0
422

Daawo: Muuqaal Kooban Oo Suxufiga Cabdishakuur Heersare Ka Soo Duubay Daruuraha Dushooda‏

Muuqaalkan kooban oo horraantii todobaadkii hore uu soo duubay Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), ayaa wuxuu duubay mar uu saarnaa dayuurad ku socotay Itoobiya, isla markaana ay sii dul marayeen daruuro kala duwan ka hooseeyey kuna geedaamnaa dhulka ay dul duulayeen. Waxaana dayuuraddu ka kacday Hargeysa, iyadoo u sii jeedday Addis ababa.

Waxaana muuqaalka ka muuqda in dhul badan oo Somaliland iyo Ethiopia u dhexeeya ay abaar darani ku dhacday. Halka meelo ka mid ah gudaha dhulka Ethiopia ay barwaaqo ka duwan ka ta Somaliland ay ka jirto.

Muuqaalka uu Cabdishakuur Heersare soo duubay ee daruuraha dushooda ayaa ka mid ah muuqaalada quruxda badan ee naadirka ah.