telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

DAAWO SAWIRADA WIIL UU DHALAY HOGAAMIYIHII DALKA LIIBIYA COL QADAAFI 0O LA AF-DUUBAY IYO SABABTA

Lubnaan (WARSUGANNEWS.COM)_Telefishin laga leeyahay gudaha dalka Lubnaan ayaa laga baahiyay muuqaal muujinaya Hannibal Gaddafi , oo loo maleenayo in afduub  loo geestay.
Kooxo Hubeesan oo shiico ah ayaa gudaha dalka Lubnaan waxa ay ku afduubteen wiil uu dhalay Hogaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya Col. Mu’amar Al-Qadaafi.

Ciidamada amaanka dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeesani ay afduub u geysteen Wiil uu dhalay Hogamaiyihii hore ee dalka Liibiya oo lagu magcaaabo Hannibal Gaddafi .

Wiilkan ayaa laga codsaday in uu sheego akhbaarta ku saabsan wadaad Shiica ah oo lagu magacaabi jiray Moussa Al-Sadr oo la waayay sannadkii 1978-kii, waxaa loo maleenayaa in afduubkaasi uu wax ka ogaa Hogaamiyihii la dilay ee Liibiya.Wadaadkasai Shiicada ah ee la waayay sannadkii1978-ii ayaa xiligaasi xumeeyay xadhiidhkii ka dhaxeeyay Dowlada Liibiya iyo Lubnaan, waxaana jiray tuhun la xadhiidha in dowlada Liibiya ay iyadu ka dambeesay arintaasi.

Wiilkan uu dhalay Hogaamiyihii la dilay ee dalka Liibiya ayaa markii dambe la sii daayay, Hannibal Gaddafi ayaa ah nin ganacsade ah oo kunool dalka Lubnaan, waxa uuna ninkan qabaa Haweeney u dhalatay dalka Lubnaan.

577 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins