DAAWO SAWIRRADA: -Madaxweyne Farmaajo oo xilka si rasmi ah ula wareegay

0
974

Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Bishan February si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya, kadib maalmo uu ku shaqeynaayay Hotel Jazeera.

Xaflad kooban oo ka dhacday Xarunta Villa Somaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo xilkaasi uu kula wareegay, kadib markii Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka wareejiyay.

Xafiiska Shaqada Madaxweynaha ayaa la soo dhigay Qalab kala duwan oo intii Madaxweyne Xasan uu xilka haayay hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya, waxaana la tusay Saxaafadda, iyadoo qalabkaasi ay ka mid ahaayeen agab ka sameysan Dahab iyo Qalin.

Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay maanta inuu si rasmi ah u wareejiyo xilka Villa Somaliya, wuxuuna sheegay Somaliya inuu u baryay waa cusub, islamarkaana dalka uu galaayo horay u socod.

Madaxweynaha cusub, ayaa mahad celin kadib waxa uu madasha ka sheegay in dowladdan ay tahay tii shacabka Somaliyed ay doonayeen, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay kala shaqeeyaan dowladiisa, suggida amniga iyo horumarinta dalka.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ku shaqo bilaabo Villa Somaliya, islamarkaana uu rajeynaayo hanaanka dowladnimo ee dalka dadka oo dhan inay ka wada qayb qaataan.

22-ka Bishan ayeey si rasmi ah u dhaceysa Xaflada Caleemo Saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya Farmaajo.

aajo.