Daawo Sawirro: Trump oo weji gabax kala kulmay nin uu u magacaabay kaaliyihiisa amniga Qaranka

0
404

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u magacaabay kaaliyihiisa Ammaanka Qaranka Robert Harward oo ah taliye sare oo ka tirsanaan jiray ciidamada dalkaas.

Hase ahaatee Robert Harward ayaa ka hor yimid inuu shaqadan qabto, iyadoo Sarkaal Aqalka Cad u hadlay uu sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maaliyadeed, laakiin warbaahinta Maraykanku waxay ku warrantay in Haward uusan rabin la shaqeynta madaxweyne Trump.

magacaabida xilkan ayaa yimid ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay kaaliyihiisii dhinaca amaanka Qaranka Michael Flynn.

Flynn ayaa marin habaabiyay madaxweynaha dalka Maraykanka Mike Pence markii uu la wadaagay macluumaadka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka.

Caqabadan ayaa soo baxaysa saacado ka dib markii Trump uu diiday wararka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aadan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqalka Cad.