Daawo Shirkada Sibidhka Ee Barwaaqo Oo Sannad Guuradeedii 20aad Xustay Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Mida Oo Ka Qaybgalay + Sawiro

0
701

Daawo Shirkada Sibidhka Ee Barwaaqo Oo Sannad Guuradeedii 20aad Xustay Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Mida Oo Ka Qaybgalay + Sawiro

Hargeysa(WSN)-Shirkada keenta sibidhka loo yaqaano cumaaniga ee Barwaaqo ayaa u dabaal degtay sanad guurada 20aad ee ka wareegtay markii shirkadaasi la aas aasay ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd casho sharaf ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda shirkada Barwaaqo, wasiirka horu marinta maalgashiga somaliland, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha shirkada sibidhka ee Barwaaqo Sheekh Cabdirashiid Maxamed Faarax oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey mudadii ay shirkadani shaqaynaysay iyo waxyaabaha ay bulshada u qabatay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Shirkada Barwaaqo

waxay sibidhka ka soo shaqaynaysay mudo 20 sanadood ah, marxalado badana way soo martay inaanu waxyaabo badan ka badalno xaga baakinka, kiishka oo markii hore warqad ahaan jiray imikana plastic ah, furfur ayaa markii hore maraakiibta lagu soo rari jiray waxaanan ku samaynay waanu adkaynay si uu baakinkiisu u adkaado si uu dadka u soo gaadho sibidh bad qaba oo aan jeexjeexmin.”

Gudoomiye Cabdirashiid oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu samaynay macaamil ka duwan shirkadihii hore ee ka shaqayn jiray kuwaas oo sicirka sida ay doonaan ka yeeli jiray, waxaanu u nimid isaga oo sicirkiisu yahay 13$ waxaanan gaadhsiinay 3.5$, intii aanu ka shaqaynaynay cid walba waxaanu ku qancinaynay sida shaqo ahaan iyo macaamilka wax looga iibiyo iyada oo aanaan cidna cid kale ka fadilayn, siyaasadayaduna ahayd inaanu qof walba qancino.”

Shirkada Barwaaqo waxay la macaamilaysay shirkada Raysuud kaas oo imiakana xidhiidhkayagii sii xoogaystay, mashruuc cusubna aanu wada bilawnay sanadkii 2015 kaas oo ilaa hada nidaamintiisii socoto, mustaqbalkana aanu doonayno inaanu warshado samayno.”

Gudoomiye Cabdirashiid ayaa sidoo kale ka hadlay baaxada ay shirkadu hada leedaha waxaanu yidhi “Shirkadu aad ayey u balaadhatay dalka gudihiisa iyo dibadiisana way gaadhay, waxaanay ka shaqaysaa meelo badan, imikana maal gelintayadu waxay tahay laba mashruuc oo ah cabaynta sibidhka kaas oo mashruuca ugu horeeya la furi doono bisha October horaanteeda, kan xigana sida ugu degdega badan ayaanu u bilaabi doonaa, shirkada Barwaaqo waa shirkad u danaysa dadka danyarta ah oo bixisa mucaawinooyinka iyo wixii kale ee dalka laga qabanayo.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada ku xidhan shirkada barwaaqo, kuwaas oo ka war bixiyey tayada sibidhka ay ka qaataan shirkadaasi, iyaga oo ku amaanay inay la macaamilka shirkada Barwaaqo ay u sahashay inay macaamiishooda gaadhsiiyaan sibidh tayadiisu aad u wanaagsan tahay.

Wasiirka horu marinta maalgashiga somaliland Maxamed Axmed Cawad oo isaguna ka hadlay munaasibadan
“sharaf weyn ayey ii tahay inaan ka soo qayb galo labaatan guurada shirkadaas inoo keenaysay sibidhka tayada leh, runtii waad dareemi karaysaan in sibidhka cumaaniga la yidhaa uu inagu badnaa magaciisu kaas oo tayadiisu haysato suuqa, waanan uga mahad celinaynaa gudoomiye Cabdirashiid dib u dhiska dalka qayb weyn ayey ka qaadatay shirkada Barwaaqo.