DAAWO VIDEO: Donald Trump Oo Aayado Qur’aan Laga Hor Akhriyay Iyo Siduu Noqday Dareenkiisa

0
387

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo shalay xilka loo dhaariyay ayaa ku qasbanaaday inuu dhageysto aayado Qur’aan ah xili lagu guda jiray xafladda caleema saarkiisa, waxaana la ogsoon yahay heerka Donald Trump uu ka gaarsiisan yahay Muslimka iyo naceybka uu u qabo.

Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololahiisii doorashada wuxuu sheegay inuu muslimiinta ka mamnuucayo Mareykanka.

Imaam Magid oo ah nin si aad ah loo ixitiraamo ayaa labo aayat kasoo kala qaatay suuradaha Al-Xujarat iyo Al-Ruum, isaga oo kadibna ku macneeyey English, xilli Trump uu dhageysanayey isaga oo aamusan.

Si kastaba qaar ka mid ah muslimiinta ayaa imaamka dhaleeceeyey sababo la xiriira ka qeyb galkiisa kulanka maadaama Trump uu horey u muujiyey Islaam naceyb.