BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Daawo:-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka  Gormeerku Tagay +Arimaha Soo Kordhay

Daawo:-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka  Gormeerku Tagay +Arimaha Soo Kordhay

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga  Somaliland  Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo maalmihii u danbeeyey waday kormeer uu ku marayey talisyada ciidamada qaranka JSL ayaa maanta gaadhay xarunta taliska guud ee ciidanka qaranka, halkaasi oo uu markii uu gaadhay salaan sharaf kaga qaatay qaar ka tirsan ciidanka qaranka JSL, waxaana si weyn goobtaasi ugu soo dhaweeyey Taliyaha ciidanka qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, iyo hogaanada kala duwan ee ciidanka qaranka iyo waliba saraakiisha kala duwan ee ku sugnayd xarunta Taliska guud ee ciidanka.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale oo madasha ku soo dhaweeyey wasiirka gaashaandhiga waxaanu uga mahad naqay sida wanaagsan ee wasiirka wasaaradda gaashaandhigu uu u wado kormeerkiisan uu ku tagayo xarumaha, talisyada iyo fadhiisimaha kala duwan ee ciidanka qaranka.

Image may contain: 1 person, standing, plant, tree and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Geesta kale waxa isna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka qaranka JSL S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu ku dheeraaday ahmiyada ay qaranka u leeyihiin ciidanka qaranku, waxaanu xusay in ay muhiim tahay in la dhiiri galiyo ciidanka oo ah kuwa ay shacabka Somaliland ku hurdaan waxa kale oo uu xusay in ka ciidan ahaan ay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga ay uga mahad naqayaan sida wanaagsan ee uu u danaynayo xogogaal u noqoshada xaalada guud ee ciidanka.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Gebo-gabadii waxa halkaasi ka hadalay wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo sheegay in uu kormeerkani yahay mid uu ku dhiiri galinayo ciidanka qaranka JSL waxa kale oo uu halkaasi deeq lacageed oo dhan $2,000 (Laba kun oo dollar) ah ku wareejiyey taliska guud ee ciidanka qaranka kaasi oo ugu talo galay in xoolo loogu qalo ciidanka qaranka ee ku sugan taliska guud ee ciidanka qaranka, geesta kale kormeerkani oo ah mid uu wasiirku ku marayey talisyada kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa waxa uu maalintii shalay tagay taliska qaybta 31aad ee ciidanka qaranka ee magaalada Hargeysa.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, child, shoes, tree and outdoor
Image may contain: 1 person, standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor
Image may contain: 5 people
Image may contain: 1 person, outdoor

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

115 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins