Daawo Wiil uu dhalay Marxuun Axmed Xasan Cawke oo Buuxiyey Shaqadii Aabihii Iyo Wasiir Cukuse oo ka hadla‏

0
275

Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta somaliland oo ay weheliyaan wasiirka wasarasada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah,mulkiilaha horn cable tv iyo masuuliyiin kale ayaa maanta si wada jir ah u qaabilay caruurtii uu dhalay marxuun: wariye axmed xasan cawke.

Md Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo munaasabada qaabilaadda kula hadlay saxaafadda waxa uu caddeeyey in booskii shaqo ee marxuumku ka hayey TV-ga Qaranka lagu wareejiyey mid ka mid ah caruurta uu dhalay, taasoo uu sheegay inay qayb ka noqon doonto xusuusta aan marnaba go’I doonin ee warfaafinta Somailand u hayso Marxuum Axmed xasan Cawke.