Daawo Xaaxi: 13 Qof Oo Loo Xasuuqay Sababta Inay Hal Askari Oo Ka Tirsasn Ciidankii Maxamed Siyaad Bare Toogteen iyo Hal Qof Oo Ka Badbaaday Oo Ka Waramay Wixii Dhacay

0
400

Xaaxi: 13 Qof Oo Loo Xasuuqay Sababta Inay Hal Askari Oo Ka Tirsasn Ciidankii Maxamed Siyaad Bare Toogteen iyo Hal Qof Oo Ka Badbaaday Oo Ka Waramay Wixii Dhacay

Hargeysa (Warsugan) 13 qof ayaa xasuuq loogu gaystay degaanka Xaaxi oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh, waxaana ka badbaaday mid ka mida oo dhaawac mayd ahaan looga tagay laguna magacaabo Maxamuud Siraad Xasan oo ka waramay qaabkii ay wax u dhaceen.

Maxamuud Siraad Xasan waxa uu sheegay in sababta rasmiga ah ee loo dilay laba iyo tobanka qof ay ahayd inay dadka degaanku si kamo ah u dileen askari ka tirsan ciidamadii Maxamed Siyaad Bare ee ku suganaa degaanak Xaaxi xiligii dagaaladii SNM iyo rajiimkii Siyaad bare socdeen.

Maxamuud Siraad wuxuu sheegay in markii la soo uruurinayey dhalinyarada iyo ragaas loo sheegay markii la dhaqaajinayey in dartood loo dili doonti halk askari oo Xaaxi duurkeeda lagu dilay Waraysi uu la sheegay Weriye Mustafe Dheere oo ka tirsan Tv-ga qaranka iyo Radio Hargeysa ayuu kaga waramay Maxamuud Siraad Xasan qaabkii loo kaxeeyey iyo sidii uu u badbaaday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Saddex iyo toban nin ayaanu ahayn magaalada ayey naga kaxeeyeen waxay wateen ninba ninkii uu ka xooga badnaa iyo ninba ninkii uu ka dhalin-yaraysnaa markay na yara wadeen ayey yidhaahdeen istaaga iyaga oo heeraha iyo meel walba naga tuban ayey yidhaahdeen indhaha iska wada xidha, shaadhkii ayaan madaxa sidaas u yara saaray oo ilqoodha ayaan ka yara eegay saf lixa iyo saf todoba ah ayaanu kala ahayn oo is dhinac taagan, dabeeto dhanka hawd oo safkii kale naga xidho ayaan u yara dhaqaaqay dabeeto sidaas ayuu gacanta yidhi (gacan haadis) uu leeyahay kuwii hareeraha naga tubnaa rasaasta soo waydaarta ayaan bartii beerka dhigay dabeeto markii ay rasaastii fureen 12-kii nin ee aan la socday mid qudhi nolol dhulka ulma dhicin; aniga ayaa markii danbe ee ay raga baadhanayeen ayey anigana i taabteen oo ay yidhaahdeen ninkani uu diiran yahay dabeeto mid ayaa yidhi kayga ayey dhuunta taalaye ka baydh dabeeto halkaa diilinta dhabaraka ayuu iga saaray dabeeto halkaa garabka ayey iga soo booday oo ay iga soo baxday halkii ayaan iska jiifay oo aan ku dhiig baxay markay nimanki iga libdheen ayaan meeshii ka gurguurtay”

Maxamuud Siraad ayaa dareenkii taagnaa maalinta ee sababay in la soo laayo 13 -ka qof waxa uu yidhi “Markii uu na kaxaynay ayuu yidhi ninkii aad shalay disheen ayey 13-ka nini u dhimanayaan, waxana la odhan jiray Ibraahim Yare ka ciidanka watay oo xidigle ayuu ahaa”

Sidoo kale dadka la laayey ee goobta kaliya lagu wada toogtay waxaa ku jiray sida ka muuqata magacaanta uu sheegay Maxamuud Siraad Xasasn laba laba qof oo walaalo ah, waxaanu xusay toban marxuum oo kala ah

1. Ibraahim Ismaaciil Xasan
2. Aadan Cabdi Xaaji Jaamac
3. Maxamuud Daahir Macalin
4. Mahad Xasan Faarax
5. Cabdi Maxamed Shacayb
6. Cali Maxamed Shacayb
7. Xuseen Cabdisalaan
8. Sidiiq Cabdisalaan
9. Bashiir Maxamed Cali
10. Khadar Maxamed Cali