Daawo Xisbiga Kulmiye markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19-sanno ah. Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo 3-da bilood ahayd ee ay talada dalka haysay 9,346 shaqaale

0
348

Hargeysa(WSN)Waxaan ugu baaqayaa Shaqaalaha Dawladda in ay xilka ay qaranka u hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh. Waxaan uga digayaa in ay ku milmaan Loolanka Siyaasadda iyo Tartanka Xisbiyada Qaranka. Waxaan uga digayaa qabyaaladda, iyo inay ku kacaan falal qarankan dumin kara. Waxaan farayaa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ah, gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Qaranka, in ay il-dheer ku eegaan arrimahaas, isla markaana talaabo ku habboon ka qaadaan, cid kasta oo ku kacda, ama ay ku caddaato, fallal ka dhan ah Anshaxa iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda

Xisbiga Kulmiye markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19-sanno ah. Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo 3-da bilood ahayd ee ay talada dalka haysay 9,346 shaqaale