Daawo Xubno Ka Tirsan Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Soo Kormeerey Dhismaha Cusbitaal Laga Dhisaayo Deegaanka Labi-sagaala

0
336

Xubno Ka Tirsan Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Soo Kormeerey Dhismaha Cusbitaal Laga Dhisaayo Deegaanka Labi-sagaala

Labi-sagaala(Warsugannews)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi kaasi oo ay ku wehelinayeen Dr.Ismaaciil Aadan Macalin Gahayr iyo Dr. Maxamuud Cagaweyne oo ka tirsan Ururka Dhakhaatiirta Somaliland ayaa kormeer balaadhaan ku gaadhay Deegaanka Labida ee Deggmada Sabawanaag ,Waftigan oo ujeedada Socdaalkoodu ahayd sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen halka uu maraayo dhismaha Cisbitaal balaadhan oo dadweynaha deegaanka Labi-sagaala ay si iskaa wax-u qabso ah ku dhisanayeen iyo sidoo kale Daawayn bilaash ah oo ay Xubnahan Dhakhaatiirta ahi ugu deeqeen deegaankan inay si lacag la’aan ah

Hawlgalkan daaweynta iyo dabiibka ah oo ay soo abaabushay Jimciyatul Axbaab ayaa waxa ay Dhakhaatiirtani dadweynaha deegaanka Labida ugu deeqeen inay si lacag la’aan ah ugu adeegaan isla markaasina ay ugu deeqaan daawadii oo iyaduna lacag la’aan ah ugu adeegeen dadweyne gaadhaya 350 qof oo ka kooban caruur dumar iyo waayeel aad u jilicsan oo aad ugu baahnaa daryeel caafimaad

Ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban oo warbixin ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ee Degmada Sabawanaag Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Aw Cilmi oo ugu horeyn u mahadnaqay Xubnaha dhakhaatiirta ah ee Kormeerka iyo Taakulaynta daawaynta ah kusoo gaadhay deegaanka Labi-sagaala isagoo isla markaana ku booriyey inay sii wadaan hawlgalada kaalmaynta ah ee ay u fidinayaan dadweynaha deegaankan iyo dhamaan deegaanada la midka ah ee Somaliland ,Sidoo kale jeediyey Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ee Degmada Sabawanaag Sheekh Maxamed Sheekh Axmed Aw Cilmi waxa uu warbixin dheer ka bixiyey sida ay iskugu duuban yihiin guud ahaan dadweynaha deegaankani ee ay iskugu tashadeen iyo sida ay kusoo bilaabeen dhakhtarka deegaankan laga wado oo hada meel fiican maraaya isagoo isla markaasina tibaaxay in dadweynahani ay neefkooda adhiga ah garteen in ay iyagu wax ku qabsadaaan kuna dhiiradaan ,taasi oo uu xusay inay itaalkoodii iyagu halkaas soo gaadhsiiyeen