“Awoow-yaasheen isma gumaysan, Aabayaasheena isma gumaysan inaguna rag is gumaysan karra ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh.”

0
780

“Awoow-yaasheen isma gumaysan, Aabayaasheena isma gumaysan inaguna rag is gumaysan karra ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh.”

Xudun (Warsugannews) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi yo weft balaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey degmada Xudun ee gobolka Sool.

Wasiirka Xaashi iyo weftigaasi oo saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmadaasi, ayaa furay mashaariic sadex ah, sidoo kalena maamulka degmada ku wareejiyey deeq raashin ah.

Soo dhawayntaasi ka dib ayaa munaasibad balaadhan lagu xarunta degmada Xudun, halkaasi oo khudbado laga jeediyey, Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa madaxdaasi halkaasi ka hadashay ayaa jeediyey khudbad garnaqsi ah oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaanu yidhi

” Ugu horayn waxaanu ka mahad celinaynaa sidii diiranayd, niyada furnayd, dhaqanka wanaagsan ahayd ee aad noogu soo dhawayseen Degmadan Xudun iyo sidii naloo sooray, intaba waanu ka mahad celinaynaa. mar labaad waxaanu iyadana bogaadinaynaa niyad samida dadka iyo bulshada qoor-waynteeda dareenka ka muuqda. waxa aynu nahay dad walaalo ah, dad wadan leh ayeynu nahay, dad dhaqan soo jireen ah leh ayeynu nahay, waa waxa aynu kaga duwan nahay qoomiyadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku dhaqan bulsho dhaqan ab iyo isir leh ayeynu nahay. dhaqankeedana way ku jirtay wax kala tirsiga iyo is qabashadu, waxa kale oo ku jirtay sida aynu u kala baxno iyo wax aynu ku kala baxno, dabaro iyo xeerar ayey lahayd.

Walaalayaal anagu waxaanu ka soconaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka madaxda yahay, Xukuumadaa aanu ka midka nahay siyaasadeeda waxa u bud dhig ah inay horumariso gobolka Sool, inay Nabad waarta ka abuurto gobolka Sool, degmadan Xudun waa degmooyinka ugu waaweyn gobolkan.

Gobolka Sool waa gobol ka mida gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waa gobol u baahan in la horumariyo oo mashaariic badan laga fuliyo. ma suuro gali karto in dalkan yar iyo dadkan aynu is nahay in qaybina ay badhaadho oo barwaaqo ku noolaato qaybina ay ba’do!. wuxun baynu wada qabi karna, caqliga wanaagsana kuma jirto in ina la dhiso ina dib loo dhigo. sidaa darted waxa naga go’an oo aanu Madaxweynaha wakiil kaga nahay oo uu naga ogyahay in wixii horumar ah aanu xooga saarno Gobolada Somaliland ee bariga ee ka hooseeyaa kuwa galbeedka.

mashaariicdan aynu maanta degmadan ka furaynaa waa kuwo muhiin ah, odhan maynu wax waliba way dhamaadeen. odhana mayno baahiyi ma jirto, waa mashaariic bilow ah oo u muhiim ah maamulka iyo nabad galyada. hadii aanay halkan nabadi ka jirin oo aanay saldhig boolis yeelan magaalada bulshada ku nooli nabad kuma noolaan karto, sababtaas ayaanu saldhigan u dhisnay. sidoo kalena maanta waxaanu furnay Xaruntii maamulka degmada iyo garoon loogu tallo galay inay dhalinyaradu kubada ku ciyaarto. baahiyaha kale ee laga waramayna wiixii suuro gal ah waanu qabanaynaa, waxa kale oo aanu ka hawl galaynaa sidii Maxkamad degmadan loogu dhisi lahaa.

waxaan halkan ka markhaati kacaynaa in dareenka dadweynaha Xudun uu shalay iyo maanta kala duwan yahay, odhan mano wuu qabyo tiran yahay, oo saxar la’ yahay hasayeeshee aad ayuu u fiican yahay shalayna wuu ka duwan yahay.

Awow-yaasheen isma gumaysan, Aabayaasheena isma gumaysan inaguna rag is gumaysan karra ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh. halkan maanta dawladnimo ayaanu ku maraynaa. geeleenu bancade ayuu wada daaqaa taariikhda ma soo marin inaynu is gumaysanay wakhtiguna wakhtigii maaha waxa aanu wadnaa waa dawladnimo, reero is gumaysana ma nihin, reero-na kama socono anagu, maanta geelayagii waanu ka nimid, waxaa aad nagu soo dhawayseen waa dawladnimo.

Walaalayaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu waxgaradka iyo qoorweynta reer Sool iyo Sanaag barri u dhigay gogol, maaha go’gol been ah, waa mid run ah, waxaanu doonaynaa Walaalayaal in aanu idin turxaan saarno, waxaanu doonaynaa in aanu tabashadiina bi’ino, waxaanu doonaynaa inaynu Qaranka wada qaybano waynu wada leenahee, qarqarkiina qaybsada oo goosta, ka qayb gala Diiwaangalimaha iyo doorashooyinka. Rag dudi karra ma tihidin, rag wax wada leh ayeynu nahay, ninka halkan Xudun ku nool Xamar waxa uga dhaw Hargeysa, Gar-adag iyo iso Caynaba.( Laba ILAHAY ayaa u daawe qaada, Laba iyagaa daawe qaata). waxa aynu nahay kuwii ILAHAY u daawe, qaaday, dalka, dhulka, dhaqanka, dhalashada iyo dhiiguba waa inaga dhaxeeyaa, dhismaha dawladnimaduna waa inaga dhaxeeyaa, wixii la qawadayo waxaanu qabnaa in la toosiyo, (khalad waa markii la qabtaa.)

Maanta dani kuma jirto in ninka dudayaa uu qori qaato, oo jabhad sameeyo, oo maxaad qori u qaadan oo jabhab u abuuro oo qalalaase dhibaato iyo khasaare dadkaaga u galin,? wax aynu wada leenahay ayaa miiska yaalee, rag kala gar qaadan kara ayeynu nahay, Ri’ gaar ah cidna laguma sandulayn karo. waxaan adkaynayaa inaynu nabada iyo horumarka ka wad shaqayno dhamaanteen.”

IMG_3731

IMG_3745

IMG_3752

IMG_3764

IMG_3765

IMG_3789

IMG_3794

IMG_3801

IMG_3837

IMG_3839

IMG_3848

IMG_3858

IMG_3876

IMG_3891

IMG_3893

IMG_3897

IMG_3902

IMG_3954

IMG_3975

IMG_3977

IMG_3981

IMG_3994

IMG_4003

IMG_4066

IMG_4071

IMG_4087

IMG_4112

IMG_4240

IMG_4241

IMG_4268

IMG_4275

IMG_4283

IMG_4293

IMG_4310

IMG_4311

IMG_4316

IMG_4329

IMG_4333

IMG_4344

IMG_4361