Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo Hadhimo Sharafeed Casho ah Ku Maamusay Martidi Halkaraan uga Kala Timi Gobolada Dalka+SAWIRO

0
371

GUddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmarke Axmed Muxumed Gelle ayaa Hadhimo Sharafeed Casho ah ku maamuusay Xubno Dhalinyaro ah oo Gobolo kala Duwan uga YImid Sannadguuradii 8aad iyo Xilwareejintii Hogaanka sare ee Naadiga akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan.

Hadhimo Sharafeedkan oo ka dhacday Hotel City Palaza ee Magaalada Burco ayaa aad loogu ammaanay Naadig aHalkaraan kaalinta uu kaga jiro Bahda Akhriska iyo Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Somaliland, Waxayna inta badan dhalinyaradi goobtaas ka hadashay iska daba mareen faaidoyinka laga dhaxlay naadiga iyo waxyaabaha lagu xasuusto hogaamiye kasta oo soo maara naadiga halkaraan siiba hogaankan ugu danbeeyey ee xilka wareejiyey.

GUdomiye Sharmarke Geelle oo kelmado dareen iyo qalbi taabad leh halkaas ka jeediyey ayaa sheegay in marku dhalinyaradiisa iyo asxaabtiisa uu dhex joogo aanu jeclayn inu mansab iyo maamuus gaar ah yeesho isago iftiimiyey inay isku bah yihiin bulshada aqoonta, wax qabsiga iyo hal abuurnimada leh ee dhalinyarada ah, waxanu muujiyey rajo wanaagsan in manta dalka ay ka jiraan dad badan oo siyaabo kale tol u ah oo aan ahayn kuwa dhiiga oo keliyi uu ka dhexeeyo.

Gudomiyuhu wuxu dardaarano kala duwan iyo talooyin usoo jeediyey Hogaanka Cusub iyo guud ahaanba naadiga halkaraan xubnihiisa isago ku taliyey inaanay ka daalin dedaalka ay ka wadaan ee ay horumarka iyo halganka sii laban laabaan

Agaasime Jimcale Cawke, Gudomiyihi hore naadiga berbera Mukhtar Cisman jamac, Gudomiyaha iminka ee Naadiga Berbera Dawlad yusuf, Sagal Maxamed Adan oo ka mid ahayd dhalinyarada aqoonyahanka ee Ceerigaabo, iyo Xubno kale oo kulankaas kelmado ka jeediye aya iyaguna aad u ammaanay Naadiga halkaraan iyo gudomiyaasha xilka isku bedelay.

Gebogabadiina Waxa lagu kala Hoyday, kaftan Duco iyo Sheekooyin Qosol iyo Xikmad ba Xambaarsanaa, Waxayna Hadhimo Sharafeedkani Dhiirigelin u ahayd Dhalinyarta Hawlkarka ah ee Halkaraan iyo Cid kasta oo ku hawlan himilooyinka Guusha.

Image may contain: 5 people, people sitting and tableImage may contain: 17 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, outdoor

Image may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 1 personImage may contain: 2 people, people standing and glassesImage may contain: 1 person, standing and nightImage may contain: 1 person, sunglasses and close-upImage may contain: 2 people, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 2 peopleImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people standing