Daawo”Reer Somaliya Waan Jecelahay , Bari Baan Moqdisho Tagi Karaa , Qoladan Kulmiye na Kuma Raacsani Weerarka Tooska Ah Ee Ay Ku Qaadeen Waddani ” Muj cali Guray

0
289

Muj Cali Guray Oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye waxaa uu ceeb iyo wax aan fiicneen ku tilmaamay in la isku xajiimeyso arimo Somali Weyn
Muddane Cali Guray waxaa uu sheegay in aanu xisbiga Kulmiye kula soconin weerar toos ah oo uu ka qaadey xisbiga Waddani iyo waftigii dhawaan tagay dalka Nairobi ee xisbigaasi ka mid ahaa
” Maalmahan dhaweyd qaabka ay u dhaqmeen masuulyiinta xisbiyada ugu sareeya ee ay ku jiraan kuwa madatinimada dalkan ka doonaya qaabka ay u dhaqmeen waxaa ay aheyn sida ay u dhaqmaan ku yar yar ee 1994 dhashey ee Facebook yada ka murma
Qoladan Kulmiye runtii kulamaan socon weerarkii tooska ahaa ee ay ku qaadeen Xisbiga Waddani markii ay tageen Nairobi , xisbi qaran in uu toos  .
weeraro xisbi qaran oo kale anigu waan ka soo hor jeeda ” ayuu yidhi Muj Cali GuraySidoo kale Muddane Cali Guray oo ku abtirsada siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye waxaa uu sheegay in aanay jirin sharci u diidaya in uu tago dalka Somaliya iyo la kulanka Xassan Sheekh Barina uu tagi karo Moqdisho isagu
“Aniga Somalideydu waa dad , Somali baan ahay somaliduna waa ii soomali , reer Somaliya , reer Jabuuti iyo kuwa Itoobiya waan jecelahay cadowna iima aha , waxaa aanu isku heysanaa wa hal maamul iyo laba maamul aynu kala noqono.nasiib daraduna waxaa weeyey ilaa 1994 waxaa ay siyaasiyiinteena daciifka ahi isku eedayaan hebel iyo xisbi hebel baa xamar inagu wada , anigu hadii la aan la kulmo toos baan ula fadhisan lahaa Xassan Sheekh , sharci ii diidayaa ma jiro , anigu sow qof ma ahi Moqdisho waan tagi karaa bari baan halkaas ka dhoofi karaa , Sharci somaliland leedahay oo ii diidayaa ma jiraan umadan masiirkeeda hebelo ma ilaaliyaan ” ayuu yidhi Muj cali Guray