Dadka Koonfur Afrikaanka Ah oo Kaamiradu Tustay M/weyne Zuma oo…

0
356

Indhaha dadka reer Koofur Afrika ayaa ku sii jeeday khudbad uu baarlamaanka ka jeedinayey Wasiirka Maaliyadda ee waddankaas Pravin Gordhan.
Wuxuu ka hadlayey miisaaniyadda oo aad loo wada sugayey, ayadoo uu dalkaas ka jiro cadaadis dhaqaale, iyo su’aalo ka taagan lacagaha waxbarashada lagu bixiyo, iyo wasiirka oo qudhiisa muran siyaasadeed lugaha la galay.
Maalintii ku xigtay dadku waxay ku soo tooseen akhbaarta ah in madaxweyne Jacob Zuma uu jiifay intii ay socotay khudbadaas oo dheer.
Xafiiskiisa weli wax hadal ah kama uusan soo saarin arrintan.