Dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maraya duleedka Beledweyn

0
369

Dagaal labo maleeshiyo beeleed ku dhex maraya duleedka Beledweyn

Beledweyn (Warsugannews) Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in dagaal labo maleeshiyo beeleed u dhaxeeyo uu ka socdo deegaan qiyaastii 15-KM u jira Beledweyn.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa u dhaxeeya beelo wada dega galbeedka magaalada Beledweyn, waxaana dagaalkan salka ku hayaa muran maalmihii la soo dhaafay u dhaxeeyay beelahan oo ku aadan dhul daaqsin.

Wararka aanu ka heleyno magaalada Beledweyn ayaa sheegaya inay jiraan dad ku soo dhaawacmay dagaalada oo la geeyay, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo lagu magacaabo Qaran-cad ayaa la sheegayaa inuu barakac ka bilowday, waxaana dadkii ku dhaqnaa ay u carareen deegaanada kale oo ku dhow dhow Beledweyn.

Dagaalkan ka socda duleedka dhinaca galbeed ee Beledweyn ayaa ku soo beeg maya, iyadoo shirweyne dib u heshiisiin uu ka socdo magaalada, kaasoo lagu heshiisiinayo beelaha wada dega Gobolka Hiiraan.