Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu dilay gudaha Kenya

0
511

NAIROBI war sugan – Dagaalyahano afar ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal roondeyn ah oo ay ciidamada Kenya ka sameeyeen degaanka Haluuqa ee dalka Kenya.

Col. Paul Njuguna oo ah afhyeen u hadlay ciidanka Kenya ayaa sheegay in hawlgalkaas ku dhinteen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku dayey in ay iska caabiyaan ciidamada Kenya oo ku jiray hawlgal roondeyn ah.

Afhayeenka u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in baxsadeen dagaalyahano kale oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ayna ku dabajoogaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geysta gudaha dalka Kenya kadib markii ciidamada Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.