Dalxiisayaasha oo laga daad-gureynayo dalka Gambia iyo madaxweynaha dalkaasi oo xaalad deg-deg ah soo rogay

0
336

Kumanaan qof oo dalxiisayaal ah ayaa laga daad gureynayaa dalka Gambia, halkaasi oo madaxweyne Yaxya Jammeh uu diidan yahay in uu xilka ka dego, waxa uuna dalka geliyay xaalad deg deg ah.

Madaxweyne Jammeh ayaa laga doonayaa in berri oo khamii ah uu xilka ku wareejiyo hoggaamiyaha mucaaradka Adama Barrow oo ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii December ee aan soo dhaafnay.

Khudbad uu telefishenka ka jeediyey ayuu ku sheegay in arrimaha taagan dartood dalka uu gelli doono muddo saddex bilood oo xaalad deg deg ah.

Sidoo kale waxuu Yahye Jammeh eedeeyey ururka midowga Africa oo uu ku sheegay in ay faragelin ku hayaan siyaasada dalkaasi.

Waddamada Afrikada galbeed ayaa wada qorshe faragelin meleteri ah oo dalkaasi lagu samaynayo., waxaana jira diyaargarow ciidan.

Doorashadii dalkaasi ka dhacday ayaa waxaa natiijadeedii diiday madaxweyne Yahye Jammeh oo markii hore ogolaaday guusha hoggaamiyaha mucaaradka Adamu Barrow.

Waxaa jira walwal laga muujinayo xaalka nabadgelyo ee dalkaasi, waxaana dalka ka qaxaya dalxiisayaal tamashle u joogay .