Danjire-yaasha “Ardayda” dalkan uugu maqan dalka xadaarada ee Turkey-ga oo Masuulyiin ku maamuusay in ay dalka uugu adeegeen si la mahadiyey iyo dardaarankii ka dambeeyey.

0
391

Danjire-yaasha “Ardayda” dalkan uugu maqan dalka xadaarada ee Turkey-ga oo Masuulyiin ku maamuusay in ay dalka uugu adeegeen si la mahadiyey iyo dardaarankii ka dambeeyey.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Waxaan kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo cilmiga ay barteen bulshada kaga saara kala qob-qobka iyo qabyaalada ma dhalayska ah, waxaanan isla meel dhignay in kolba ab iyo isir uu inoo yahay kolba ka ay ina midayso ujeedo ee si wax inoola arkaya “Abkuu doona ha sheegto’e waxuunba ehel ii ah dad ninkaan af-aqaanee si wax iila arkayee na mideeyso ujeeddo”..Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye AUN
————————————————————————-

Waxay ahayd maanta kadib markaan xarunta tiyaatarka ee TV-ga qaranka aan kulan kula qaatay ururka ardayda reer Somaliland ee waxbarashada u jooga dallka Turkey-ga.

Kulankan oo ay muhiimadiisu ahayd in ay ardaydu maamuusaan tiro kamid masuuliyiinta qaranka oo ay u garteen in ay qarankan dedaal galiyeen isla markaana uugu adeegeen si la mahadiyey.
Intii kulanku socday ayaan ardayda kala hadlay sida ay muhiim u tahay in ay qalbiga ku hayaan in dal curdin ah ka rajo sugayo isla markaana ay waxbartaan iyagoo qalbiga ku haya sidii ay u horumarin lahaayeen dalkan dunidu hagratay!

Waxaan qirsanahay in ardayda reer Somaliland meel ay joogaanba yihiin danjire-yaal u maqan taabogelinta qaranka Somaliland isla markaana ay yihiin cudud cilmi kasbasho ku maqan si ay dalkan dunida uula tartan siiyaan.

Waxaan kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo cilmiga ay barteen bulshada kaga saara kala qob-qobka iyo qabyaalada ma dhalayska ah, waxaanan isla meel dhignay in kolba ab iyo isir uu inoo yahay kolba ka ay ina midayso ujeedo ee si wax inoola arkaya sidii uu abwaankeenii waynaa ee AUN Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye u lahaa “”Abkuu doona ha sheegto’e waxuunba ehel ii ah dad ninkaan af-aqaanee si wax iila arkayee na mideeyso ujeeddo”..

Waxaan farta uugu fiiqay in ay noqdaan tusaale wanaagsan oo dalka ay ku maqan yihiin cilmi iyo xadaarad kasoo korodhsada si ay berito uugu anfacaan intii fursadooda oo kale aanan helin.
Waxaan u sheegay in Qabyaaladu tahay aafo qaran oo u baahan in si cilmiyeysan wax looga qabto isla markaana ay tahay durmaan kolba mid danle bulshada u tumo si uu xil iyo xoolo uugu helo balse la gaadhay xiligii qalinku maydhi lahaa dhibtii inaga soo martay!

Waxaan xasuusiyey in Nabigeenu S.C.W uu horay uugu sheegay Qabyaalada wax uraya oo u baahan in laga taggo sidoo kale abwankeenii AUN Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye-na bayd uu ku yidhi “Uf qabiilka anaa leh, Wuxuun baa ku adeegta, Nin iskii kartidiisa, Isagoon cid ku tiirsan, Isku taagi kareynin, Una haysta ateero, Ayaantuu dambi geystana, laga hoos galo eeda, Ayid waad is xigtaaniyo, Idinkaa isku reer iyo, Aqligii lixdankii, Maanta iib geli maayo!”

Kulanka ayaa ku soo idlaaday duco iyo dardaaran

Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here