Danwadaago waxay ixtiraam iyo tixgalin siinaysa cid kasta oo reer nabi aadan ah oo dani ka dhaxayso.

0
609

Danwadaago waxay ixtiraam iyo tixgalin siinaysa cid kasta oo reer nabi aadan ah oo dani ka dhaxayso.

Dagaal xoogan ayaynu kula jirnaa la dagaalanka xanuunka qafalka xun ee sanad walba inaga galaafta kumanaan nafood oo lagu beeray xanuunkaasi qabyaalada ah.Dhulku isgoo sidaas u goglan ayuu qofkastaaba ku dhashay isagoo sidaas u goglana wuu ka dhimanaya intaad nooshahay kaliya ayad aayodsanaysa, wixii hanti qofnimadada aad ka qabsato waxa u hadhaya cidii dadkaga ah ee nolol kaaga danbeeya.Dhulka intii meel ku wada nool ayaa ah kuwa isu xiga iska war haya geeri iyo nololba iska kaashada dhib iyo dheefna qaybsada waa kuwa kala guursada isu abtiga ah dadkana isugu jecel cidkasto ku soo xadgudubtana gacan midaysan kaga hortaga.Ujeedkeenu wuxu geedi ku yahay inaynu baajino oo halkeeda ku bakhtiino ilkasta oo dagaal sokeeye ka soo huri karo. Tuulada Labi sagaale waxa wada daga dad wada dhashay oo iska xiga kuwa Salaxley wada daga, iska xiga kuwa Sabo wanaag wada daga,iska xiga kuwa Hargaysa wada daga. Cidii ku shiraysa urur ahaan qabiilo ahaan cidna uma diidayso magaalada ayaaba ku camirmaysa deegaankana faaiido ayaa ka soo galaya. Waxa reeban kaliya kulan aan sharcigu jidayn oo dhibaato dalka iyo dadka ka dhex abuuri kara.Beesha Danwadaago waxay shir ku qabsatay tuulada Labi sagaale oo ay waligoodba dagi jireen eegadana ay daganyihiin waxa deegaankaas la wadaaga dadyow kale oo ka baxsan haybtaas aynu soo sheegnay. Awowyaday Saaxil Aw cabdilaahi Geele, ISMAACIIL orne ,Xaaji xasan Dhagjar Cbdillahi GIIRE tiroba200 qoys ka badan ayaa beesha Cabdi Ciise iyo Kuul ka dagta Labisagaale waxa dareen xumaanta ahi nagama galin shirka Danwadaago Haday dawlada dagmo ka soo qaadayaana waa faaiido deeganka u soo korodhay dhamaan ee wax ay Danwadaago kaligood leexsanayan maaha,waayo way ogyihiin walalahooda la dagan haday Isaxaaq yihiin iyo haday Cabdi Ciiseyihiin iyo haday Tumaalo yihiin cid xuquuqdooda la duudsiyi karaa ma jirto.Isaxaaquna dadkaas deegaanka ah ayay ka midyihiin beelaha degan.Haday Gaashaanbuuri damacdo inay Daandaansi ula tagto beesha Danwadaago ama ay jiraan beelo kale oo uurka ku haya dakanooyin iyo godobo hore oo ay Danwadaago u qabeen,haday islee yihiin Labisagale ugu soo dhuunta, waxan u sheegayna kaliya maanta Danwadaago iyo badi beelaha kale ee deegaanku xumaan diyaar uma aha laga dhex abuuro dhulkan. Waxanu u soconaa Labi sagale walalo ah , Labi sagaale dugsi hoose. dhexe ,sarre ilaa heer jaamacadeed yeelata reer kaliya yeelata oo la yidhaahdo reer Labi sagaale lagana baxo beel heblaayo waa halka aynu hiigsanayno hadii eebe idmo… Qalinkii xuseen warabe oo ka mid ah deegaanka guunka ah ee Labi sagaale.
sicid warabe
afhayeen.warabe20@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here