DAREENKA KU XEERAN AAYADIHII JIHAADKA QUR’AANKA EE MANHAJKA CUSUB LAGA SAARAY IYO SAAMAYNTA AY KU LEEDAHAY SOMALILAND!

0
487

DAREENKA KU XEERAN AAYADIHII JIHAADKA QUR’AANKA EE MANHAJKA CUSUB LAGA SAARAY IYO SAAMAYNTA AY KU LEEDAHAY SOMALILAND!!!!!!!!!!
WAA HAWL FEDERAL OO UU GEEDOOLE QANDARAAS KU SOO QAATAY!!!!!!!!!!!
W/q: Abdirahman Ali Mahamed (QUULE)
Waa olole iyo dhaqdhaqaaq ka socda Somaliya iyo Somalialnd. Iyadoo aynu marka horeba tabobaro iyo waxbarasho iskumid ah aynu wada qaadano ayaan maantana la yidhi mashruuc loogu magac daray GEEDI SOCODKA WAXBARASHADA SOOMALIA oo lagu mataaneenayo Somaliland. Mashruucan oo uu saxeexay wasiir Geedoole oo dilaal ah oo hunguri mooyee aan han iyo himilo kale lahayn.
Si loo yareeriyo mitidka iyo asal raaca waxay ugu yeedhiin nimanka baadiliinta ah ee Alle iyo Rabiba ka kufriyay ayay waxa ay inaga soo mareen dhinaca waxbarashada. Tani ayaa ah mid aanu shacabka reer Somaliland u dalqaadan doonin. Arrintan ayaa keentay in manhajka farogalin qaawan oo siyaasadi ka dambayso lagu sameeyay . kolay la waayi maayi maayo qof, qolo iyo qabiil u hiiliya diinta arintanina waxba ka tari mayso in lagu wiiqo oo lagu daciifiyo diinta islaamka.
Mashruucan oo daaran sidii argaxisada looga yareen lahaa jiilka soo kacaya ayaa la raba in xaga barbaarinta laga weeraro. Iyadoo la qaadi doono talaabooyin kala duwan ayaa igu hurayn waxa la inaga soo weeraray in la yidhaahdo manhajka ha laga saaro aayadaha jihaadka ee kitaabkeena kariimka ah rabi inagu amray.
Waa arrin naxdin iyo argagax igu abuurtay. Waa arin qalbiga iyo quluubta dadka muslimiinta ah ee ruur Somaliland ruxday. Waan akhriyay oo waan subciyay oo kor iyo hoos ayaan ka eegay waxaan ka waayay aayadihii jihaadka ka waramayay ee lagu dhigan jiray form 4 iyo form three. Murugu dardii iyo muraara dilaacayaan jiiif iyo jog la gam’I waayay. Halaga saaro aayadaha jihaadka kahadlaya waa ayaan daro inala soo daristay. Qowlka rabi badh lagama tagi karo badhna lama qaadan karo oo waxay noqonaynaa sidii reer bani’israaiil.
Waxay ahad manhajka cusub in laga ansixiyo baarlamaanka oo walibana culimadu dhug iyo fiiro gaaro u yeelato balse waxa nasiib xumaha in diinteenii maanta la inagu soo faro galiyo. Waa halka ay fidnadu inooga bilaabmi doonto hayeeshee kolay la waayi maayo wax diinteena u gargaara……..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here