David Alaba oo ka doorbidaya Man United u dhaqaaqida Arsenal

0
591

waaxa qorey yaasir br

Daafaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa doorbidaya inuu ku biiro kooxda Arsenal halkii uu ku biiri lahaa United oo aad u doonaysa.

24 jirkaan reer Austria ayaa aad loola xiriiriyay kooxo badan oo ka ciyaara Premier League, waxaana ka mid ah Man United, Arsenal iyo Man City.

Sida laga soo xigtay Mirror, David Alaba ayaa ka doorbidaya Manchester United ku biirida kooxda Arsenal, marka uu go’aansado inuu katago Bayern Munich.

David Alaba ayaa waqti dhaw u saxiixay kooxdiisa Bayern Munich heshiis ku eg ilaa June 2021, laakiin Arsenal ayeey ka go’antahay inay la soo wareegto isaga.

Laacib kaan ayaa ka mid ah dhawr daafac oo tababare Jose Mourinho uu ka doonayo suuqa kala iibsiga si uu ugu xoojiyo shaxdiisa.