dawalada Somaliland oo Sheegay in ay Bad-qabaan Xoolaha ay dhoofiyaan

0
374

HARGEYSA war sugn – Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga jawaab celiyey go’aanka dowladda Sacuudiga ku hakisay xoolihii Soomaaliya kaddib markey u sababeysay in laga helay xannuuno.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir(Cukuse) oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xoolaha ay dibedda u dhoofiyaan in aysan qabin wax xannuuno ah.

Cabdullaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa xusay in go’aanka kasoo baxay Sacuudiga aysan quseyn Somaliland balse uu yahay mid gaar ah degaanada kale ee Soomaalida ,waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland laga dhoofiyo aanay ku ogeyn wax xanuun ah oo ay qabaan ,waxa uu meesha ka saaray warqada kasoo baxday Sacuudiga ee ahaa in xoolaha laga soo dhoofiyo ay qabaana xanuuno.

Waxaan xariir la leenahay hay’addo qaabilsan caafimaadka xoolaha”ayuu yiri Cukuse oo inta ku darey. “Go’aanka Sacuudiga wuxuu quseeya dhulka Soomaalida ay degto”.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa dhawaan xaqiijiyey in ay soo gaartay warqad uga timid Sacuudiga oo lagu sheegayo in la hakiyey xoolaha uga imaan jirey Soomaaliya oo xanuuno laga helay.