Dawlad Islaam Ah Oo Markii Ugu Horraysay Bilowday In Dalkeeda Loo Dalxiis Taggo

0
392

Dawlad Islaam Ah Oo Markii Ugu Horraysay Bilowday In Dalkeeda Loo Dalxiis Taggo

Riyaad, 28 September (Warsugan)-Dawladda boqortooyada Sucuudiga waxay bilaabaysaa hab u gaara oo dal ku galka loogu ogolaanayo dadka u dhashay 49 dal, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag.

Wasiirka dalxiiska, Axmed Al-Khadiib, ayaa ku tilmaamay go’aankaas dhacdo taariikhi ah oo dalku ku tallaabsaday.
Sucuudigu waxa uu sidoo kale doonayaa inuu soo jiito maalgashi caalami ah oo dhinaca dalxiiska ah. Waxaanu qorshaynayaa in dakhliga dalxiiska haatan ka soo gala oo wadarta guud ee dakhliga dalka ka ah 3% uu gaadho 10% sannadka 2030.
“Dalxiiseyaashu way ka heli doonaan dhulkayaga, waxaanu leenahay shan goobood oo UNESCO u aqoonsatay dhaxal aadamaha ka dhexeeya. Dhaqan quruxsan iyo bilicda dhulka oo dabiici ah” ayuu yidhi Al-Khadiib.

Haweenka shisheeye ee dalxiiska ah lagu khasbi maayo in ay xidhaan cabbaayadaha madow ee jidhka wada qariya ee dumarka Sucuudigu gashadaan, laakiin sidaas oo ay tahay ayaa in lebis anshax ka muuqdo ay qaataan la fari doonaa. Haweenka dalxiiska ah lagu qasbi maayo in ay maxram wataan.

“Dhaqan baanu leenahay. Waxaanu rumaysannahay in asxaabtayada iyo dadka dalkayaga soo booqdaaba ay tixgelin doonaan dhaqanka waana xaqiiq inuu yahay mid xishmada dadka fara arintaasina way iska caddahay.” Ayuu mar kale yidhi Al-Khadiib.
Dadka aan Muslinka ahayn loo ogolaan maayo in ay tagaan magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina, khamiriguna sidiisuu mamnuuc u ahaanayaa.

“Magaalooyinka dalkayagu waxay ku jiraan kuwa ugu nabad gelyada fiican dunida, sidaa awgeed ma rumaysnin in arintaasi saamayn doonto qorshahayagan. Shaqaale badan oo shisheeye ah ayaa haatan ba Sucuuidga jooga oo ku naaloonaya nabadda Sucuudiga.”

Qorshahani wuxu soo baxay iyada oo boqortooyada Sumcaddeedii dunida ay dhaawacday dhaliisha lagu hayo daryeelkeeda xuquuqda aadanaha ka dib markii la dilay saxafigii Jamaal Khaashoqji iyo sidoo kale dumar u ololeeya xuquuqda haweenka oo dhawaan xabsiga loo taxaabay.
Sannadkii 2017 ayaa Sucuudigu shaaciyey mashruuc weyn oo lagu horumarinayo dalxiiska, kaas oo 50 jariisadood oo ku yaal badda cas iyoo goobo kale lagaga dhisayo xarumo dalxiis oo lagu raaxaysto.

Wargeyska Warsugan Media Group
Hargeysa/Somaliland