DAWLADA IRAAN OO GEERIDII BOQOLLAALKII XUJEYDA AHAA KU EEDEYSAY BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

0
439

DAWLADA IRAAN OO GEERIDII BOQOLLAALKII XUJEYDA AHAA KU EEDEYSAY BOQORTOOYADA SUCUUDI CARABIYA

Tehraan (Warsugannews) Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Maamulka Saudi Arabia inay Mas’uul ka yihiin Is-buur-buurashadii shalay ka dhacday Xajka ee ay ku dhinteen Boqollaalka Xujeyda ah.

Shilkan ayaa waxaa ku dhintay 717 Xaaji, iyadoo ay ku dhaawacmeen 863-xaaji oo kale, kaddib markii ay Dadkan isaga Hor-yimaadeen Dhagax-tuurka Sheydaanka oo ka dhacda Minna.

Xukuumadda Iiraan ayaa sheegtay in 131 Xaaji oo ka mid ah Xujeyda Geeriyootay ay u dhasheen dalkeeda, sidoo kalena ay shilkan uga dhaawacmeen in ka badan 60 Xaaji oo Iiraaniyiin ah.

“Tani waxay ku dhacday waa maamul xumada Boqortooyada Saudi Arabia, iyada ayaana mas’uul ka ah dhibaatadan dhacday,” ayuu Ayatollah Khamenei ku xusay hadal uu jeedayay, isagoo intaas ku daray in dalka Iiraan ay ka bilaabanayso 3-casho oo baroor-diiq ah.

Ayatollah Ali Khamenei oo sii hadlayay ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaa laga doonayaa boqortooyada Saudi Arabia inay aqbasho mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay musiibadan.”

Balse, Boqorka Saudi Arabia Boqor Salmaan ayaa isaguna dhankiisa amray in lagu sameeyo baaritaanno shilkan dhacay, isla markaana dib eegis lagu sameeyo Qorshaha Qaabka Xajka.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Sucuudi Carabiya ayaan ka hadlin eedeynta Iiraan ay u soo jeedisay ee ah inay mas’uul ka yihiin Mashaqadii ay Xujeyda badan ku naf-waayeen shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here