Dawlada Somaliland oo mashruucii shidaal Baadhiseed ee Genel Energy ku bedelaysa shirkad imaaraati ah iyo Cabashada Dawlada Somalia

0
602

Hargeysa(warsugannews)-Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa cadadkiisii u dambeeyay ee shalay soo baxay, wuxuu ku qoray in dawladda Somaliland ay diyaarinayso sidii ay shirkad Imaaraati ah oo lagu magacaabo International petroleum Investment Company (IPIC) ugu wareejin lahayd mashruucii sahaminta shidaal baadhista ahaa ee ay shirkadda Genel Energy ka waday deegaano ka tirsan Somaliland.

Wargeysku wuxuu sheegay in heshiis is-afgarad oo aan weli la dhammaystirini uu marayo marxaladihii u dambeeyay, waxaana sida uu wargeysku sheegay arrintan kala shaqaynaya Imaaraadka Carabta Wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji.

Indian Ocean, wuxuu xusay in shirkadan IPIC oo ay maamulaan qoyska reer Boqor ee Imaaraadku uu guddoomiye ka yahay Mansuuur Bin Sayid Nahyan oo ah raysalwasaare-xigeenka Imaaraadka Carabta. Mr. Mansuur Bin Sayid Al-Nahyan, sida uu wargeysku xusay waxay masuuliyiinta dawladda Somaliland weydiisteen inuu bixiyo $ 24 Milyan oo dollar oo ay shirkadda Genel Energy kaga tanaasusho baloogyada hore loogu calaamadiyay ee kala ah SL9, SL10B, SL12 iyo SL13 iyo weliba in shirkadda IPIC ay bixiso lacag xaqul saxeex ah iyo in fursadaha qandaraas ee soo baxa la siiyo masuuliyiinta dawladda Somaliland. Shirkadda Genel Energy ayaa siduu wargeysku sheegay waxay hadda iibinaysaa baloogyada kala ah SL10 iyo SL13 ee deegaanka Oodweyne ee gobalka Daad-madheedh, iyadoo shirkadu hore sababo amni darteed u joojisay sahamintii shidaal ee ay ka waday Somaliland.

Geesta kale, wuxuu wargeysku sheegay inaanay dawladda Somaliya ee Muqdisho ku faraxsanayn wada shaqaynta tooska ah ee ay dawladda Imaaraadka Carabtu la yeelanayso Somaliland, iyadoo wasiirka khaarajiga Somaliya Cabdisalaan Hadliye oo safar 30 August 2015 ku weheliyay Madaxweyne Xasan Sheekh, uu dawladda Imaaraadka Carabta u sheegay in heshiis kasta oo shidaal baadhiseed la soo mariyo dawladda Somaliya si ay u ogolaato.

Xigasho Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here