Dawladaha Somaliland & Itoobiya Oo Addis-ababa Kaga Wada Hadlay Dardar-gelinta Mashruuca (Berbera Coridoor) Iyo Ahmiyadda Uu Labada Dal U Leeyahay

0
401

Dawladaha Somaliland & Itoobiya Oo Addis-ababa Kaga Wada Hadlay Dardar-gelinta Mashruuca (Berbera Coridoor) Iyo Ahmiyadda Uu Labada Dal U Leeyahay

Addisababa (Warsugannews)- Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Shalay Addis-ababa Kula Shirey masuuliyiin Uu Wasiirka Hawlaha Guud Ee Itoobiya Ka Mid Yahay

Waftigii Wasiirrada Somaliland ee safarka shaqo ku joogga Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis-ababa, ayaa shalay kulmo la yeeshay xubno dhiggooda ah oo ka tirsan Wasiirrada dalkaasi.

Kulankan Wasiirrada labada Waddan ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaa lagaga wada hadlay Mashruuca Berbera Corridor iyo qorshaha waddadaas.

Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dhamaystirka mashruucaas oo muddo sannado ah hawshiisu socotay. Wasiirada Somaliland ee kulankaas ka qaybgalay oo kala aha Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaa ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi Itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac Galaal.

Mashruuca hirgelintiisa ay ka wada hadleen wasiirrada Somaliland ka socda ee Addis-ababa ku sugan iyo masuuliyiinta Itoobiya oo uu hor-kacayo Wasiirka Hawlaha Guud ee dalka Itoobiya ayaa sida loo sheegay Wargeyska Somalilandtoday waxay iskula meel dhigeen in si dhab ah loo hirgeliyo isla-markaana dawladda Itoobiya doorka ay ku leedahay sida hagar la’aan ah u qabanayso, maadaama oo labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya ay mashruucaasi uu ka caawinayo midowga Yurub.

Mashruuca Berbera Coridoor oo qaybtiisa ugu muhiimsan tahay waddada isku xidhaysa Berbera ilaa Addis-ababa oo la horumariyo ayaa waxa aad ugu baahi qabta hirgelinteeda dawladda Itoobiya oo si xoog leh ay wax uga so degaan dekedda Somaliland ee Berbera

Warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here