telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Dawladda Dalka DENMARK Oo Sharci Cusub kasoo Saartay Dambiyada La Xidhiidha Caruurta

Hargeysa(WMG) Waxaa dhawaan dalka Denmark la meelmariyey sharci badaley da’da caruurta lagu anshax marin karo kaas oo ka dhigan in laga bilaabo hada la anshaxmarin doono hadii ay dambi galaan caruurtu laga bilaabo da’da 10 sanno hakii ay markii hore ka aheyd 14 sanno.

Waxa kale oo wax laga badaley mudada dacwad oogida iyo mudada xukunka . taas oo lagu soo gaabiyey 21 maalmood hakii ay markii hore ka aheyd 4 billood.

Qaabka loo soo oogayo dacwada ayaa noqondoonta in mudo todobaad guheed ah ay wada xidhiidhi doonaan Booliiska, Dawlada hoose qeybta arimaha bulshada iyo iskuulka ilmuhu dhigto, si loo jaangooyo in dambiga uu ilmu galay yahey mid maxkamad lagu geyn karo iyo in uu yahay mid aan u baahneyn

Sharcigan cusub oo la yidhaahdo §58 waxaa waadixisay Rekke iyo Bruno oo ka tirsan talliska dhexe ee booliiska koofurgalbeed Denmark , mar ay lahadalayeen khamiistii todobaadkii hore la hadlayeen shirka sannadlaha ah ee SSP oo ka dhacey KUC Kolding halkaas oo ay Radio Hormuudna goobjoog ku aheyd.

Dambiyada caruurtu galli karaan ee lagu maxkamadeynkaro ayaa noqon kara. (Hanjabaad, gagaal gacan ka hadal ah, Dukaan uu la xado, In uu waxyeeleeyo hantida gaar ah iyo ta dadwynaha, Filim ama sawir shacidaro ah oo uu sii qeybiyey , Dambi kalkaal  IWM)

Hadii uu kiisku yahay mid maxkamadeed , marka hore maxkamad ayaa la marinayaa oo xukun ridaysa , kadibna waxaa loo gudbinayaa in ay qaabka anshacmarinta asteeyaan gudi dhexdhexaad ah oo kakooban 6 xubnood oo dhawaan la sameeyay.

2,323 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins