telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

DAWLADDA ETHIOPIA OO URURADA MUCAARADKA KU EEDAYSAY QALALAASAHA GOBOLKA OROMADA

ADDIS ABABA (WARSUGANNEWS.COM)_Golayaasha dhaxe ee xisbiyada OPDO iyo EPRDF ayaa sheegay in ay ka xun yihiin khsaarihii dhawaan ka dhashay dibadbaxyo ay sameeyeen ardeyda Oromodo oo ka cabanaya fidinka caasimada Addis Ababa oo gobolkooda saamaynaysa. EPRDF ayaa si gaar ah caraka ugu dhufatay sida ay ugu xun yihiin dadkii ku geeriyoodey qulqulatooyinka.

itoobiyA

Masuulka lagu magaacabo Daba Debele oo ka tirsan OPDO iyo EPRDF ayaa sheegay in xog la’aan ay sabab u tahay khasaaraha iyo mashaqada gobolka Oromada ka dhacay.

 

EPRDF ayaa xustay in ay xoogaga nabadiidka ahi ka faa’iideystaan mudahaaradyada. Madaxa dhanka xidhiidhka ee dawlada, Getechew Reda, ayaa sheegay in nabadiidku in ayna ujeedadooda ku gaadhayn rabshado. Ereyga nabadiid ayaa loo maldaha ururka OLF ee dawladu xaarameysay.

 

Dawalada iyo kooxaha mucaaradka ee Oromada ayaa warar is khilaafsan ka soo saaray tirada dhimashada. Xukuumada iyo qirtay in 4 qof qulqulatooyinka ku geeriyoodeen, halka urarada mucaaradku tirada gaadhsiinayaan ilaa 40 qof.

 

Dawalada Itoobiya ayaa dhalinyarada Oromada uga digtay in ay ka fogaadan xogaga qaska wada islamarkaana ay ka faa’iideystaan horumarka dalka. waxaa kale oo ardeyda loogu baaqay in ay dareenkooda ku muujiyaan si nabadgalyo ah.

 

Rabshadaha iyo dibabaxyada ayaa waxaa ay saka ku hayaan dadka Oromada ah oo diidan qorshaha lagu balaadhinayo caasimada dalka oo loo arko mid lagu boobay dhul beereed ay danyar Oromo ahi leeyihiin.

1,428 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins