Dawladda Ruushka Oo Joojisay Burburinta Hubkooda Plutonium-ka

0
490

Dawladda Ruushka Oo Joojisay Burburinta Hubkooda Plutonium-ka

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wareegto uu isniintii shalay soo saaray ku joojiyey burburinta hubkooda Plutoniumka ee loo isticmaalo bambaanooyinka Nukliyeerka, arrintaasi oo ay horey ugu wada heshiiyeen dowlada Maraykanka.
Sanadkii 2000 ayey Ruushka iyo Maraykanka ku heshiiyeen mid waliba ay burburiyaan 34 ton oo ah Plutoniumka loo isticmaali karo bambanooyinka Nukliyeerka oo gaaraya 17 kun, heshiiskaasi oo dhaqan galay 2010 ayaa hada u muuqda inuu gebi ahaan burburay.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa tilaabadan ku micneeyey inay jawaab u tahay cadaawada Maraykanka xiligan u muujinayo wadanka Ruushka iyo khal khalka lagu hayo danaha Ruushka ayaa lagu yidhi Wareegtada Madaxweyne Putin.

Labada dal ayaa sidoo kale joojiyey wadahadalkii u dhaxeeyey ee ku aadanaa xal u helida dagaalka ka socda dalka Siiriya. Ruushka ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeya aysan Maraykanka kala hadli doonin arrimaha khuseeya Siiriya iyo Xukuumada Bashar Al Assad.

Ruushka ayaa sii wada duqeynta uu ku hayo xoogaga mucaaridka ee gacanta ku haya qeybo kamid ah magaalada Aleppo (Xalab) ee waqooyiga Siiriya. Maraykanka ayaa sidoo kale dhawaan bilaabay inuu duqeeyo xarumaha ciidamada Dowlada Bashar Al Assad arrintaasi oo ay Ruushka u arkaan in Maraykanka gacan ku siinayo mucaaridka Siiriya.