Dawladda Somaliland oo Codsi Rasmi ah u Gudbisay Xukuumadda Cusub ee Maraykanka

0
381

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa codsi rasmi ah u gudbisay xukuumadda cusub ee dalka Maraykanka oo ay ka dalbatay inay muwaadiniinteeda ka saarto go’aankii Madaxweyne Trump soo saaray 27-kii bishii hore ee January ee uu ku mamnuucay socdaalka dadka ka imanaya toddobada dal ee uu ku badan yahay Muslimku oo ay ku jirto Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa warqad codsi ah oo uu u gudbiyey Xoghayaha Khaarajiga iyo Madaxa Amniga Gudaha ee dawladda Maraykanka oo la kala yidhaa Rex Tillerson iyo John Kelly, kuwaas oo uu ku dhiirrigeliyey inay ka saaraan Somaliland liiska dalalka muwaadiniintooda la mamnuucay, isla markaana ku go’aan qaataan xaqiiqda jirta ee ah in Somaliland tahay dal madaxbannaan, dimuqraadi ah oo nabdoon, kaas oo aan la mid ahayn dalalka uu saameeyey go’aanku ee lagu tilmaamay inay xaaladoodu ka sii darayso, iyadoo ay ugu wacan tahay dagaallada, macaluusha, masiibooyinka iyo kacdoonnada shacbi ee sii kordhinaya suurtagalnimada in argagixisadu isticmaalaan dariiq kasta oo ay ku gali karaan Maraykanka.
Qoraalka codsiga Somaliland oo ay warbaahinta u soo bandhigeen shirkad ka shaqaysa arrimaha adeegyada warbaahinta iyo la-talintooda oo xarunteedu tahay magaalada Washington D.C ee caasimadda Maraykanka, waxa lagu sheegay in waddanka Somaliland uu si buuxda gacanta ugu hayo xuduudaha dalkiisa, isla markaana aanay ka jirin ururro argagixiso oo khatar ku ah caalamka iyo Maraykanka toona.
Haseyeeshee, waxa lagu tilmaamay dhibaatada go’aanka xannibaada socdaalku ku keenayo muwaadiniinta reer Somaliland, waxaanna lagu yidhi, “Natiijada ka dhalatay amarkii xannibaada ee 27-kii January waxay dadka reer Somaliland ku keenaysaa in aanay u socdaali karin Maraykanka si ay u booqdaan eheladooda, doonan karin horumarin waxbarasho ama aanay sii xoojin karin xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal. Faa’iidooyinkan laba geesoodka ah ee loo marayey xidhiidha noocan ahi waa kuwo xadidmaya oo saamayn ku yeelanaya sii socoshada kobaca labadeenna waddan iyo awoodoodii shaqo ee saaxiib uu ku kalsoonyahay Maraykanku oo ku yaal gobol dhibaatooyin ka jiraan.”
Waxa kaloo warqadda Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland lagu siiyey talo Maraykanka iyo dalalka kale ee adduunka hannanka ugu habboon ee lagu samayn karo ammaan ka
abuurma dal oo gaadha adduunka oo dhan, “Maaha oo keliya in laga khafiifiyo muwaadiniinta Somaliland amarka fulinta ee in aanay soo galin Maraykanka, balse waa mid fudaydintiisa ay dan ugu jirto Somaliland iyo dalalka kale ee gobolka iyo adduunkaba in dawlad maamulkeedu adag oo masuul ahi ay tahay ta bixisa ee salka u noqonaysa in saaxiibada Maraykanku ay u sameeyaan ammaan horumarsan muwaadiniintooda oo ay ka qaybqaataan doorkooda mabaadi’da caalamiga ah,” ayuu ku yidhi Dr. Sacad qoraalkiisa.
Dhinaca kale, Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu qoraalkaasi ku faahfaahiyey taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland soo martay, burburkii dawladdii Siyaad Barre, nabadayntii iyo qaran dhiskii Somaliland samaysay, joogtaynteeda xasilloonida dalkeeda iyo abuurta dhaqaale kobcaya, isla markaana ay hadda tahay qaran madaxbannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudihii qaran lahaa, balse nasiib-darro weli aanay beesha caalamku aqoonsan.