Dawladda Soomaaliya Oo Si Adag Uga Hadashay Gantaalkii Xuutiyiintu Ku Rideen Magaalada Makka.

0
472

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falkii Kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen ka dagaalama ay Gantaal ugu tuureen Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarama.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Dowladda inay aad uga xun tahay waxa ka socda dalka Yemen, dhinaca kalena ay cambaareynayso dhacdadii Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ugu tuureen Gantaalka Magaalada Barakeysan.

“Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada

dawladda Somaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Ciiddanka Isbahaysiga ku burburiyeen Gantaalkaasi meel  KM u jirta magaalladda Maka Al-mukarama.