Deegaankeena Inay Doorasho Ka Dhacdo Ayaan Doonayaa Oo Awoodeena Iyo Taladeena Cod Lagu Muujiyo…Wasiir Xaglatoosiye

0
1070

Deegaankeena Inay Doorasho Ka Dhacdo Ayaan Doonayaa Oo Awoodeena Iyo Taladeena Cod Lagu Muujiyo…Wasiir Xaglatoosiye

Hargeysa(Warsugannews):-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa ka qayb galay kulan qado sharaf ahaa oo ay soo agaasimeen odayaasha iyo salaadiinta gobolada bari ,taas oo lagag arinsanayey midnimada iyo xidhiidhka bulshada ku nool gobalada Sool iyo Buuhoodle.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay inay codayn doonan doorashoyinka balse ay dalbanayaan saamigii ay xaqa u lahaayeen . Wasiirka Caafimaadka Somaliland D.Saleebaan Xagal-toosiye oo khudbad ka jeediyay madashaasi ayaa waxa yidhi “Waan ku faraxsanahay inaad halkan isugu timaadaan idinkoo ka hadlaya danihiina iyo sidii aad dadka wax ula qaybsan lahaydeen iyo sidii laysugu soo dhawayn lahaa dhexdeena waa arrin wanaagsan oo loo baahan yahay ,hadaladii odayaashu yidhaahdeen ee canaanta ahayd ee anaga nagu saabsanaydna waa qaadanay waxaad tidhahdaana waa u hogaan samaynaa,waxa balan naga ah inaanu ku shaqayno taladiina ,iyo hagidiina intiinan iyo inta deegaankii joogtaba ”.

Wasiir Xagal-toosiye ayaa cod dheer ku sheegay in Gobolada Sool iyo Buuhoodle ay ka qabsoomi doonto doorashada soo socota“Bulshadan aynu la noolnahay ee aynu dalka la leenahay midnimo ayaynu wax kaga goosan karnaa ,aadban u soo dhawaynayaa inaad ku faraxsantihiin inay doorasho dhacdo , oo wadanka doorasho ka dhacdo awoodeena iyo taladeena in cod lagu muujiyo ayaan soo dhawaynaya ,way ka qabsoomaysaa ,way ka qabsoomaysaa ana waan ka shaqaynaynaa , ninkii tartamayaa cod ha ku soo boxo codkeena ayaynu dhiibaynaa ”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here