DEG DEG;-Ciidanka Itoobiya Ee Ka Mid ahaa Howgalka Amisom oo Faarujiyey Soomaaliya iyo Sababta ka Dambeysa Wax Ka Ogow..

0
332

Ciidanka dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay in ay ka baxayaan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya ayaa laga soo xigtay in ay ka baxaayaan ciidanka dowladda Itoobiya gudaha Soomaaliya , islamarkaana ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

Sababta ay ciidanka dowladda Itoobiya uga baxaayaan Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay dhaqaalo xumo soo wajahday , madaam ay jiraan ciidanka Itoobiya Qaarkood oo dowladda Itoobiya ay bixiso mushaarkood , islamarkaana uusan bixin midowga Afrika.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM Jeo Kibet ayaa sheegay in ay ka niyad jabeen hadalka dowladda Itoobiya ee ah in ay ka baxayso howgalka AMISOM .

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in ciidanka dowladda Itoobiya ay kaalin ka qaateen la dagaalanka Al-Shabaab hadii ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya ay banneyn doonaan booska muhiim ah.

Ciidanka dowladda Itoobiya ayaa dhawaan ka baxay degaano dhowr ah oo ay kala wareegeen Al-Shabaab , waxaana taasi ay sahashay in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan degmooyin iyo degaano ku yaalla gobolada Hiiraan , Galgaduud iyo Bakool.