DEG DEG DAAWO : XISBIGA WADDANI OO KALSOONIDII KALA NOQDEY ……

0
492

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo goor dhaweyd saxaafada

kula hadley xarunta dhexe ee ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa waxaa ay shaaciyeen in ay kalsoonidii kala noqdeen dalada jilayaasha aan caadiga aheyn ee SONSAF.

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbigaasi Maxamed Sadiiq Dhamme oo arintaasi ka hadley waxaa uu sabab uga dhigay kalsoonidaas ay kala noqdeeen dalada SONSAF ka dib markii ay ku dhex milantay siyaasadii xisbiyada dalka isla markaana xisbi ka mid noqotey

Muddane Dhamme waxaaa uuu tusaale u soo qaatey in maalinii shalay ahaa uu xubin ka mid ah boodhka Daladani oo lagu magacab Eng Xussen Ibrahim Buuni uu ka qeyb galay xafladii lagu soo gabo gabeynaayey shirkii dhalinyarada xisbiga Kulmiye isla markaana uu goobta ka akhriyey war murtiyeedkii laga soo saaray shirkaasi taasi oo uu ku tilmaamay in ay daliil cad u tahay in daladii SONSAF ee u dhexda aheyd xisbiyada dalku si rasmi ah ugu biirtey xisbiga muxafidka ah ee Kulmiye .

Sidoo kale garabka dhalinyarada xisbiga Waddani waxaa ay si kulul uga hadleen dhaawac habeenkii xalay ahaa loo gaystay xoghayha cadaalada xisbigooda Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi oo ay sheegen in xisbiga Kulmiye ka danbeeyey isla markaana soo abaabuley

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan