DEG DEG: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Cadaado kaga dhawaaqay War Culus

0
288

Sida uu soo sheegayo Wariyaha Wakaalada Warqaad.com Ee Magaalada Cadaado,Madaxweyne Kuxigeeka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Galmudug.
Mudane Carabeey ayaa sheegay in Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya & Taliyaha Ciidamada AMISOM ay ku Heshiiyeen in Dagaal ka dhan ah Al-shabaab laga bilaabo Galmudug Bisha soo socota Ee February.
Sidoo kale wariyaha ayaa soo sheegaya in lagu wado Saraakiisha Ciidamada AMISOM & Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ay la kulmaan Xildhibaanadii dhawaan xilka ka qaaday Madaxweyne Guuleed iyagoo arimaha Cadaado ka taagana kala hadli doona.