telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Deg-deg: Madaxweyne Muuse Biixi iyo Labada Gudoomiye Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID oo kulan yeeshay kana wada hadlay saddex Qodob

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka

 

Hargeysa-(WMG)-WAR-SAXAAFADEED: 23 /12/2019-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.

Kulanka madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI  ayaa diirrada lagu saaray:

In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.

In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.

Madaxweynaha iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku waxay kulankooda iskula garteen inay wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

86 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins