Degdeg: Daawo Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad, Isagoo Fariin U Diray Dadka Caadaystay Inay Habaaraan Madaxweynaha Qaranka

0
426

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad, Isagoo Fariin U Diray Dadka Caadaystay Inay Habaaraan Madaxweynaha Qaranka

Dubai(WSN)Madaxaweynaha JSL md Axmed Maxamed Silaanyo ayaa halka uu ka degan yahay Abu Dhabi waxa uu ku soo booqday Maareeyaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Maalgashiga ee Abu Dhabi (director general of Adhabi Fund for development) Md.Maxamed Saif Al Suwaidi. Waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo derder galinta Mashaariicda horumarineed ee Dawladda Imaaraadku ka hirgalinayso Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay labada dhinacba si wada jir ah usoo dhaweyeen heshiisyada labada dal dhexmaray ee iskaashiga iyo horumarka dhinacyada badan leh. Kullankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Maxamuud iyo safiirka Somaliland u fadhiya UAE Amb. Baashe Cawil Cumar.

Dhanka kalena Madaxweynaha JSL oo warbahinta qaranka u waramayay ayaa waxa uu sheegay in Illaahay Mahadi haka gaadhee xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay waxaanu sheegay inay dalka si dhakhso ah dib ugu soo noqon doonaan haddii Alle idmo.

Xuseen Adan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha JSL