BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Degdeg: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

SAXAAFADEED: 20/07/2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1. In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
2. In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

394 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins