BREAKING NEWS
Search
telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Degdeg: Madaxweynaha oo xilkii ka qaaday Hanti dhawrihii guud ee qaranka Somaliland

Hargeysa(Wsn)WAR-SAXAAFADEED: 02/08/2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-

Ku: Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)
Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

Og: Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka
Og: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

872 total views, 2 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins