Dekeda Berbera Waxay Noqon Doontaa Helinka Koboca Dhaqaalaha, Xadaarada Iyo Horumarka Geeska Africa

0
468

Dekeda Berbera Waxay Noqon Doontaa Helinka Koboca Dhaqaalaha, Xadaarada Iyo Horumarka Geeska Africa .

Xukkuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxaa biyo kama dhibcaana inay tahay Xukuumadii horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha Wadanka, marka laga yimaado waxqabadka baaxada leh ee ay dalka ka fulisay waxay ku dhiiratay babac u dhiga iyo soo xero gelinta shirkado Caalamiya oo maalgashigii ugu balaadhnaa ku sameeya dalka gaar ahaan Dekeda berbera oo ah marso rabi dhigay marin muhiima.

25 Sano ka dib Somaliland waxay ku guulayatay mashruucii ugu balaadhnaa uguna faaidada badnaa abid Dalka ka qabsooma kaasi oo ah Maalin gelinta Dekeda Berbera, marsada caalamigaa ee berbera waa marin muhiima oo ku yaala goob istiraajiya, waxaana marin isku xidha geeska africa iyo guud ahaanba qaarada africa.

Heshiiskan oo ah mid taariikhiya Somaliland iyo geeska Africaba guul u ah ayaa waxaa qalika lagu duugay in Shirkada DP World iyo Dawladda Somaliland, waa heshiis qiimo weyn ku fadhiya waa maal gashi Caalamiya oo Somaliland markii ugu horaysay ay heshay, waxaa mudan in la xuso maal gashigaa balaadhani inuu wax badan ka bedeli doono guud ahaanba dhaqaalaha iyo xadaarada horumarka Mandaqada Geeska Africa .

Dhaqan galka heshiiska wuxuu horseed u noqon doonaa barwaaqo ay gaadho Umadda Somaliland ee 25 sano lasoo daalaa dhacaysay Xaaladaha kala duwan ee qaranka soo maray, mashruucu kuma koobna oo keliya Dekeda berbera balse waxa barbar socda horumar balaadhan oo dhanka wadooyinka ah, Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo suuq balaadhan oo ka furma geeska africa.
Waxaa Hambalyo mudan Madaxweynaha Qaranka ee ku dhiiraday inuu qarankiisa uu hogaamiyaha u yahay kusoo kordhiyo mashruucaasi balaadhan, waxaa kale oo iyaguna bogaadin mudan Gudidii horumuudka ka ahayd heshiiskan ee soo saxeexday oo runtii dalka guul balaadhan usoo hooyay.

Somaliland Guul iyo Gobanimo

W/Q: Yoonis Axmed
Hargeysa/Somaliland