Dhagayso Xog Muhiima:- Go’aan Karin Dhexaadka Xildhibaanadii Degaanka kulmiye ee Ceelafweyn oo La Sheegay Inay Ka Biyo Diidsan yihiin Kasii Mid Ahaan Shaha Xisbigaasi Iyo Meesha Ay Ku Biiri Doonaan

0
700

Ceelafweyn(Warsugannews) Xidhibaanadii Golaha Degaanka Ceelafweyn uga Soo Baxay Xisbi Xakimka Kulmiye Ayaa la Sheegay inay Si Xoogan Uga Biyo Diidsan Yihiin Siyaasada Xisbiga kulmiye ee Haatani Intooda Ugu Badani iyo Weliba Habdhaqanka Siyaasadeed ee Ku Lug Lahaan Shaha Xisbigaasi Ku Leeyahay Degmada Ceelafweyn ee Gobolka Sanaag.

Walow aan Ilaa Haatan War Sugan Laga Wada Hayn Guud Ahaan Xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye Uga Soo Baxay Degmada Ceelafweyn Balse Sida Xam-xamta Suuqa iyo Xogwaranka Mus-dambeedka Xildhibaanada (Taageerayaashooda) Laga Helayo ayaa Waxay Tibaaxayaan Inay Mudanayaashu Amuurtani Ka Taagan Yihiin Mowqif Adag oo Lagu Sifayn Karo Kubad Saaran Falaad Saddex Xaggal ah Madexeeda Ugu Sareeya Lamana Garan Karo Sida Xaalku Noqon Doono .
Mabda’a Siyaasadeed ee Kasoo Burqaday Xildhibaanada Golaha Degaanka Deg Ceelafweyn ayaa Noqonaya Mid Kadis Ah oo Ku Ugub Lingaxa Siyaasadeed ee Udhexayn Kara Xildhibaanada Golaha Degaan ee Degmo Leedahay iyo Xisbigii Laga Soo Doortay Wallowba Tani Ay Xaalad Adag Ka Noqon Karto In Xisbiga Kulmiye oo Wakhtigan Talada Dalka Haya ay Xildhibaanadani Noqonayaan Kuraastii ee Xisbigaasi uu Degmada Ceelafweyn Ku Lahaa .
Wakhtigii Doorashooyinkana Waxa Magaalada Ceelafweyn Noqotay Degmadii Codka Ugu Baddan Uu Xisbiga Kulmiye Ka Helay oo Darajadeedu ‘’B’’ Tahay , Kuraasta Golaha Degaankuna Ay Dhamayd 17 Kursi oo Sideed kamida Kulmiye Helay , Taasioo cadaynaysa In Ceelafweyn Tahay Meeshii ugu Badnayd ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Kuraasta ka Helay Guud Ahaan Dalka.

Geesta Kale Mawqifkani Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Xisbiga Kulmiye ee Ceelafweyn Kasoo Yeedhaya Ayaa Lagu Sababaynayaa Burinta Qodobo La Xidhiidha Balan Qaadkii Xisbiga Kulmiye uu Wakhtigii Doorashooyinka Madaxtooyada Utar tamayay uu Xisbigu Codka Kaga Helay Bulshada Ku Dhaqan Degmada Ceelafweyn iyo Nawaaxigeedaba , Balan Qaadyadaasina Uu Bulshada Ujeediyay Madaxweynaha Ruuxiga ah ee Qaranka Somaliland Markii uu Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Kulmiye ahaa , Guud Ahaana Balan qaadkaasi oo dhanna aan Haba Yaraatee Waxba Laga Fulin Marka Laga Reebo Wadada Isku Xidha Ina-afmadoobe ilaa Ceerigaabo oo Degmada Ceelafweyna taasi ay kala sinayd Guud ahaanba Gobolka Sanaag .
Waxa iyana Jirta Kadib Markii Komishanka Degmadu ku Dhawaaqeen Xildhibaanada 17ka ah ee Degmada Kasoo Baxay oo Ururo Badan Isugu Jiray Midna Aanu Xisbi Kale Ku Biirin .

Arimahani Si aanu Xogtooda Si Qumaatiya Wax Uga Ogaano Waxaanu Khadka Telefoonka Ku Waraysanay Xil Khadar xuseen Cabdullahi oo kamida Golaha Degaanka Ceelafweyn weliba Kamida 8 Xildhibaan ee Kulmiye Degmadaasi Uga Soo Baxay .
Halkan Hoose Codkiisa Ka Dhagayso oo Xaqiiqada Amuurtani Taabanaya .​
Xil Khadar Xuseen Cabdullahi Ceelafweyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here